By: Mastar //  Jun 20 2012 at 2:34 pm //  2,251 Reads  // Wararka Somalia

Xarakada Al Shabaab oo ka hadashay shirka Somaliya iyo Somaliland maanta uga furmay Magaalada London “Top News”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xarakada Al Shabaab ayaa waxay markii ugu horeysay ay ka hadashay shirka Somaliya iyo Somaliland maanta uga furmay Magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo sheegtay in shirkaasi uu yahay mid ay soo dhoo-dhoobtay Gaallada.

Afhayeenka Guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, codkiisana galabta laga sii daayay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu kaga hadlay shirka London iyo midka kaloo maanta Magaalada Nairobi uga furmay Saxiixa-yaasha Roadmap-ka.

Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay in shirka ka furmay Magaalada London uu yahay mid ay soo dhoo-dhoobtay buu yiri Gaallada, isla-markaana wuxuu sheegay in shirkaasi uu yahay mid aysan waxba ka soo bixi doonin, sida uu sheegay.

Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay in markii horeba ay Soomaalidu kala fogeysay Gaallada, hadana aysan dooneyn Gaallada buu yiri inay isku soo dhaweeyaan shacabka Soomaaliyeed, isla-markaana wuxuu eedeymo oo dhan uu u jeediyay dadka Gaallada, oo uu ugu horeeyo Maraykanka.

Sheekh Cali ayaa wuxuu xusay in Gaallada ay ka xun tahay dadaalada badan iyo horumarka ballaaran ee ay sameyneyso Xarakada Al Shabaab, laakiin wuxuu sheegay inaysan weligood Al Shabaab kahor joogsan doonin in dalka Soomaaliya lagu xukumo buu yiri Shareecada Islaamka.

Ugu dambeen Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa wuxuu sidoo kale mid aan waxba ka soo bixi doonin uu ku sheegay shirka maanta Saxiixa-yaasha Roadmap-ka uga furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments