Dagaalo xoogan oo ka soconaaya wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye, Al Shabaab oo weeraro culus soo qaaday
Dagaalo xoogan ayaa waxay maanta ka soconayaan wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo dagaaladu ay u dhaxeeyaan Ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo Ciidamadda Dowladda Burundi.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay weeraro culus ay ku soo qaaday Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Burundi ee fariisimaha ku leh Deegaanka Calaamadaha, oo ka mid ah Deegaanada loo-barakacay ee ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalada ay isku adeegsanayaan qeybaha kala duwan ee hubka, iyadoo Ciidamadda Dowladda Burundi ay dagaalada u adeegsanayaan hubka cul culus, oo si weyn looga maqlaayo Deegaanada loo-barakacay.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dagaaladaan ay ka duwan yihiin kuwii ugu dambeeyay ee maal-mahaan ka soconaayay wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacaayay wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye, ayaa waxay ahaayeen kuwo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, hase ahaatee dagaaladaan ayaa waxay yihiin kuwo ka duwan, oo waa dagaalo culus.
Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ayaa waxay muddooyinkii ugu dambeysay ay sheegayaan inay sii wadi doonaan dagaalada culus ee ay kula jiraan Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
|
|


Print
