By: Mastar //  Jun 20 2012 at 9:00 am //  1,207 Reads  // Wararka Somalia

General Dhaga Badan oo ku hanjabay dagaalo culus oo ay ku qaadayaan Xoogaga Shabaab

  • Share
  • Comments
  • Print Print


General Dhaga Badan oo si weyn uga soo horjeeda Xarakada Al Shabaab ayaa wuxuu ku hanjabay dagaalo culus oo ay maal-maha soo socda ku qaadayaan Xarakada Al Shabaab, oo uu sheegay inay uga saarayaan Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhan.

Abaan Duulaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maal-maha soo socda ay dagaalo culus ku qaadayaan Xoogaga Shabaab.

Abaan Duulaha ayaa wuxuu sheegay in qorshahoodu uu yahay inay gacanta ku dhigaan Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhan, isla-markaana wuxuu xusay inay qabsan doonaan Degmooyinkaasi oo dhan, ayan xoog uga saari doonaan Al Shabaab.

General Dhaga Badan ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay inay Xarakada Al Shabaab wax-yeelo u geysaneyso shacabka Somaliyeed ee ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose, isla-markaana aysan ku fiirsan doonin sida uu sheegay.

Sidoo kale wuxuu xusay in shacabka ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose, marka laga reebo Degmada Afgooye, inay shacabkaasi dhibaato culus ku qabaan Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, balse wuxuu xusay inay ka dul-qaadi doonaan.

General C/Kariin Yuusuf Aadan ayaa wuxuu sheegay inay isku qabsan doonaan Magaalooyinka Marka, Kismaayo, Bu’aale iyo Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay, ayna wadooyinka isku furi doonaan sida uu sheegay.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments