By: Mastar //  Jun 20 2012 at 8:42 am //  1,547 Reads  // Wararka Somalia

Dowladda Somaliya oo gacanta ku dhigtay dagaal-yahano badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay xaqiijisay inay gacanta ku dhigtay dagaal-yahano badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, kuwaa oo ay sheegtay inay dhawaan Maxkamad ku soo taaggi doonto Magaalada Muqdisho.

Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay hawl-gallo ballaaran ay ka sameeyeen Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxayna hawl-galladaan ay ku soo qab qabteen rag badan oo lala xiriirnaayo Xarakada Al Shabaab.

Hawl-galladaan ayaa waxay ka fuliyeen goobo gaar ah oo ku yaalla Degmada Yaaqshiid, iyagoona hawl-gallada u fulliyay qaab u muuqday in meel sare laga hagaayay, isla-markaana waxay hawl-gallada ugu guuleysteen sidii loogu talla galay.

Raggaan oo uu Maamulka Gobolka Banaadir sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu ku goodiyay inay soo taaggi doono Maxkamad, isla-markaana Sharciga lagu qaadi doono cid walbaa oo ay cadaato inay Al Shabaab ka tirsan tahay.

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Muxudiin Xasan Jurus, oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu faah faahin uu ka bixiyay ragga ay gacanta ku soo dhigeen, ee Shabaab lala xiriirinaayo.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay inaysan ahayn wax la-aqbali karo in Shabaab uu dhibaato ka geysto Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, isagoona ku goodiyay inay dagaalo culus la-gelli doonaan Xoogaga Shabaab, sida uu sheegay.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments