By: Mastar //  Jun 20 2012 at 8:33 am //  1,288 Reads  // Wararka Somalia

Wararkii ugu dambeeyay shirka Somaliya iyo Somaliland oo furman doono goor dhaw iyo banaanka London oo lagu kulan siinaayo

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa maanta markii ugu horeysay muddo 21 sano kadib kulmi doona Somaliya iyo Somaliland, iyagoona ku kulmi doono duleedka Magaalada London, oo ay uga wada hadli doonaan arrimahooda ku aadan dhinaca siyaasadda iyo sida ay labada dhinac isku qaabili karaan xilligaan.

Dowladda Ingiriiska oo dooneysa inay kaalin wanaagsan ka ciyaarto xal u helida dalka Somaliya, ayaa waxay soo jeedisay inay wada-hadlaan Somaliya iyo Somaliland, ayna ka wada hadlaan waxa xilligaan labada dhinacba dan u ah.

Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay soo magacawday shan xubnood oo Somaliya u matali doono wada-hadalada lala yeellanaayo Somaliland, halka Somaliland ay iyaduna soo magacawday shan xubnood oo Somaliland u matali doona, wada-hadalada ay la-yeellanayaan Somaliya.

Xubnaha Somaliland shirkaan u matalaaya ayaa waxaa hogaaminaaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland Mudane Maxamed C/Laahi Cumar, isla-markaana waxay saakay ay soo gaareyn Magaalada London.

Sidoo kale xubnaha Somaliya u matalaaya shirkaan ayaa waxaa hogaaminaaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.

Mudane C/Samad Macalin Maxamuud ayaa waxaa shirkaan ku wehlinaaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Laahi Sheekh Xasan iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Caydiid Ibraahim.

Shirka ay yeellanayaan labada dhinac ayaa waxaa dusha kala soconeysa amaba ka soo qeyb-galeysa Qaramada Midoobe, Midowga Yurub, Dowladda Norway iyo khuburo kale oo wax kala socon doono kulanka ay labada dhinac yeellanayaan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments