Dagaalo khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose
Dagaalo khasaaro dhimasho iyo dhaawacba geystay ayaa waxay ka dhaceen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna dagaalada u dhaxeeyeen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo dad kaloo beeraley ah.
Dagaaladaan ayaa waxay biowdeen markii Xarakada Al Shabaab ay awaamiir adag ku soo rogtay dadka qaxootiga ah, waxayna taasi keentay in labada dhinac ay iskaga horyimaadaan dagaalo sababay khasaarooyin kala duwan.
Waxaa la-xaqiijiyay in dagaalada uu ku dhintay hal ruux, iyadoo laba kalana ay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan, isla-markaana seddexdaasi ruux ayaa waxay dhamaantood yihiin dadkii beeraleyda ahaa ee dagaalada ugala hor-yimid Al Shabaab.
Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo awood u sheegtay dadkii beeraleyda ahayd ayaa waxay xoog uga saareyn goobihii lagu dagaalamay oo dhan, isla-markaana waxaa maanta ku sugan Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo kaliya.
Lama ogo halka ay jaan iyo ciriba dhigeen dadkii beeraleyda ahayd ee dagaalada ugala hor-yimid Ciidamadda Xarkaada Al Shabaab, kuwaa oo markii horeba diiday inay aqbalaan awaamiir adag oo ay ku soo rogtay Xarakadda Al Shabaab.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu qiray inay dagaalo ka dhaceen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, laakiin wuxuu sheegay inay dib ka soo faah faahin doonaan.
|
|


Print
