By: Mastar //  Jun 19 2012 at 11:23 am //  4,511 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Wiil gabadhii uu jeclaa ku amray inay aabihiis shukaansato “Dhacdo amakaag leh”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Qisadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Feysal iyo Hani, Hani ayaa ka sheekeysay qisadaan oo mid layaab leh ah.

Waxaan ku dhashay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar weyne, inta badan nolosheeda ayaa waxaan kusoo qaatay magaaladda caasimadda ah ee
Muqdisho.

Maalin maal-maha kamid ah ayaa waxaan suuqa caalamiga ah ee Bakaaraha aan u aaday inaan kasoo iibsado wax-yaabo aan xilligaasi uga baahnaa, soo laabadkii aan suuqa kaga soo baxaayay ayaa waxaa isku aragnay Feysal, xilligaasi aqoon maanan isku laheyn, balse wuxuu Feysal bilaabay in uu ila hadlo, anna waxaan dhibsaday wiil Soomaaliyeed oo ila hadlaayo inaan ka aamuso, sidaasoo tahay waxaa Feysal inoo suurta gashay inaan si wanaagsan isku barano, waxaana kala qaadanay teleefanadii xilligaa inoogu jiray guryaha.

Waxaanu bilownay inaanu ka wada sheekeysano teleefanadii guryaha inoogu jiray, muddo kooban ayaa wuxuu Feysal iga keensaday inaan ka helo, waayo wuxuu ahaa nin anigoo dhan i dhex qaaday, haddii ay ahaan laheyd sheeko aan laga xiiso dhicin, iyo fur furnaan cajiib ah.

Ku dhawaan sanad markaan Feysal wada soconay ayaa wuxuu maalin iga codsaday in uu i soo baro qoyska uu ka dhashay, anna waan ka ogolaaday, bacdamaa uu ahaa nin aan jeclahay, isla-markaana waxaanu horey u dhiganay balan iyo axdi.

Feysal ayaa wuxuu maalintaasi uu i soo baray hooyadiis oo bashaash ahayd iyo caruur kaloo la-dhalatay, hase yeeshee xilligii aan guriga kasoo baxeynay ayaa waxaa yimid Feysal aabahiis oo nin lacag leh ahaa, isna halkaasi ayaa leegu baray.

Feysal aabihiis oo aan dooneyn inaan halkaan magaciisa ka sheego ayaa laba cisho kadib i soo wacay, wuxuuna igu dhahay waxaa tahay gabar yarow oo cajiib ah, wuxuu uu intaasi ii raaciyay inaan ahay gabar fantastic ah, intaan qoslay ayaa waxaan ku iri adeer waa caadi, saa intuu carooday ayaa wuxuu si qeylo leh uu igu yiri, naa adeer hana dhihin ee macaane i dheh.

Xaqiiqdii waan naxay, waxaan ku dhahay soo matihid gacaliyahayga aabihiis, intuu markale carooday ayaa wuxuu igu dhahay, haku riyoon in uu wiilkayga ku guursado, ee ogow anaa ku guursanaayo, hadaad taasi ogolaato ogow waxaad noqoneysaa naag lacag leh.

Aad baan ula yaabay hadalada uu i lee-yahay anigoo la-yaaban ayaa teleefankii ku jaray, hase ahaatee ninki maaha nin quusanaayo, ileen waa nin ay dhab ka tahay, intaan carooday ayaa waxaan gar-waaqsaday inaan arinta u sheego Feysal.

Feysal ayaa intaan wacay si hoose u weydiiyay in uu aabahiis caafimaad qabo iyo in kale, wuxuu ii sheegay in uu yahay nin caafimaad qaba, isla-markaana ah nin hawlahiisa shaqo kala dabaraaya.

Intaan yaabay ayaa waxaan u sheegay sidii ay wax u dhaceen, hase yeeshee Feysal oo aan ka filaayay in uu arintaasi ka dhiidhiyo ayaa wuxuu igu dhahay, waa caadi taasi aniga iyo aabahay ninkii calaf kuugu leh ayaa la-hooyaneysaa.

Yaa Yaa Yaa oo maxaad dhahday, wuxuu igu celiyay markale in uu aabahiis ila sheekeysan karo waa haddii uu doono, intaan ka carooday hadalka uu Feysal i lee yahay ayaa waxaan gar-waaqsaday inaanan dib dambe ula hadlin.

Kolkii hore waxaan la-yaabanaa halka uu odayga kasoo helay teleefankayga, tiiyoo ay ii dheereed hadalkii yaabka lahaa ee uu igu yeeray Feysal, ugu dambeen waxaan soo xaqiiqsaday in Feysal iyo aabihiis ay iska warqabeen, oo uu Feysal doonaayay oo qura in ii shukaamiyo aabihiis, si uu ii guursado.

Hada waxaan ku noolahay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, ee akhristoow weliga qisadan oo kale horey ma u aragtay ama adiga ma kugu dhacday????


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments