Hooyo dardaarmeyso oo gabadheeda kala dardaarantay inaysan guursan wiilkii ay jecleyd “Dhacdo Layaab Leh”
Dhacdadaan oo dad badani ka yaabisay ayaa waxay ka dhacday magaaladda Oslo ee dalka Norway, iyadoo ay u dhaxeysay Wiil iyo Gabar Soomaaliyadeed oo u ka dhaxeeyey Jaceyl, kaasoo isku badalay in ay Balan iyo Axdi ay meel wada dhigtaan.
Mucaashiqiinta jaceylkii ka dhaxeeyey ayaa wuxuu ahaa mid siweyn dadka reer Oslo ay ugu wada sheekeysan jireen, iyadoo ay dadka qaar ay ku xaman jireen, Hebel wuxu Jacel yahay Hebla. Ama hebla waxay jaceshahay Hebel.
Hase yeeshee mushkiladda ayaa waxay timid kadib markii uu xanuun aanan caadi aheyn la-soo dirsay Gabadha hooyadeed, balse taasi waxay keentay in Gabadhii lagu yiraahdo Hooyo wad u jeedaa sida uu yahay xaalkayga, meel aan ku danbeen doono garan maayo, lakin Gabadhediiyee haddii aan kaa hormaro waan kula dar-daarmaayaa, haddii aad nin guursaneyso waa inaad guursataa wiilka uu dhalay Abtigaa, ninkaan aad jaceshahay marabo ama raali kama ihi inaad guursato, marba haddi aad nin guursaneyso waa inaad guursataa wiilka uu dhalay Abtigaa.
Gabadhii ayaa ka naxday hadalka ay ku tiri hooyadeed, lakin waxaas oo dhan waxa uga daran xanuunka iyo jirada heysata hooyadeed, Gabadhaan ayaa wacad ku martay in ay xiriirka u jari doonto wiilkii ay Ifka ugu jecleed, wiilkii ay ku faani jirtay.
Wiilkii lagu xaman jiran, Alla xanuun badanaa qofta aad jaceshahay oo ku xumeysa, wiilkii ayaa lagala hor-yimid, inkiraad, haddii uu soo waco teleefanka Gabadha kama qabaneyso.
Haddii uu guriga yimaado waxaa loola hadlaayaa sidii hore si ka duwan iyadoo wijigana loo-bad badalaayo. Waa uu yaabay wuxuuse ogaaday in aysan waxba u soconeynin.
Dhan kale wiilkii ayaa wuxuu wacad ku maray haddi aysan waxba ka badalin sida ay hada ku socoto, in uu aadi doono dalka Soomaaliya isagoo sheegay in uu ku biiri doono dowladda kmg ee Soomaaliya ama Xarakatul Mujaahidiin Al shahaab, si-buu-yiri aan uga bad baado xanuunka faraha badan ee aad igu abuurtay.
Si kastaba ha’ahaatee hadalkaan ka soo yeeray mucaashaqaan, ayaa dhag dhalaq loo-siin, iyadoo iska dhaadhicisay in uusan ka suuroobin wax-yaabahaas oo kale.
2 todobaad kadib wiilkii ayaa wuxuu ka soo wacay Magaaladda Muqdisho, balse waxa uu ku noqday Yaab iyo filan-waa. Iyadoo ku tiri, sida aad i jaceshahay in ka badan anaa ku jacel ee i soo laabo oo waxaad dooneysid ayaan ku sameynayaa. Mucaashaqiintaan ayaa hada isku soo wada laabtay iyagoo sidii hore isku noqday.
|
|


Print
