By: Mastar //  Jun 16 2012 at 8:03 pm //  1,236 Reads  // Wararka Somalia

George Siatoti oo maanta loo-sameeyay Aas Qaran oo cajiib ah “Daawo Sawirada”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Aas Qaran oo ballaaran loogu sameeyay Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dowladda Kenya, iyadoo aaskiisa ay ka soo qeyb-galleen ehelada uu ka baxay George Siatoti.

Wasiirkii Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Dowladda Kenya George Siatoti ayaa wuxuu axadii la-soo dhaafay uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay meel qiyaastii ilaa 30km u jirta Magaalada Nairobi ee Xaruunta Wadanka Kenya.

George Siatoti ayaa waxaa maanta lagu aaasay Kaniisada Holy Family Basilica, waxaana aaskiisa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Kenya Mwai Kibaki, Madaxweyne ku Xigeenka Kenya Kolonzo Musiyoko, Golaha Wasiirada Dowladda Kenya qaarkood, eheladiisa, xaaskiisa iyo caruurtiisa oo iyaguna goob joog ka ahaa aaska.

Meydka George Siatoti ayaa waxaa la-keenay Kaniisada Holy Family Basilica, iyadoo meydkiisa lagu sido naxash oo dusha looga soo xardhay Calanka Wadanka Kenya, dhinacyadiisana ay dadku wadeen ubaxyo, ay ugala jeedaan iyagoo uu ka baxay qof ay aad u jeclaayeen.

Prof. George Saitoti ayaa wuxuu 13 sano uu dalka Kenya uu ka soo ahaa Madaxweyne ku Xigeen iyo Wasiirka Maaliyadda, xilli uu dalka Kenya uu Madaxweynaha uu ka ahaa Daniel Arab Moi.

George Saitoti ayaa wuxuu xilal kala duwan uu ka soo qabtay Golaha Wasiirada ee Dowladda Kenya, iyadoo uu xilligaan uu isu diyaarinaayay jegada Madaxtinimada ee dalka Kenya oo uu u sharaxnaa, isla-markaana wuxuu muddooyinkii ugu dambeysay uu waday olalihiisii musharaxnimo.





Xaaskii iyo caruurtii uu ka tagay Wasiirka.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments