Sheekh Tooxow oo ammaan diiran u jeediyay Dowladda Turkiga
Waxaa sii kordhaya xiriirka ka dhex bilowday shacabka dalalka Turkiga iyo Somalia, kaasi oo uu mirihiisa abuuray R/wasaaraha Turkiga Mr. Erdogan ka dib safar geesinimo ah oo uu ku tagay Caasimadda wadanka Somalia, si uu indhaha caalamka ugusoo jeediyo mushkildaha xargaha goostay ee ka aloosan gayiga Somalia.
Turkiga oo ah Dowlad Islaami ah una istaagtay wax-tarka Umadda Soomaaliyeed ee in k badan 20-ka sano ku dhex nool colaadaha aan dhamaadka laheyn, ayaa shirkii dhawaan kusoo gabagaboobay Magaalada Istanbul, amaan ballaaran usoo jeedisay Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan gaar ahaan Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika oo ay ku amantay sida ay uga warqabaan dadkooda ku nool gudaha Somalia.
Hadaba Sheikh Tooxow Cali, oo ka mid ah wadaadada Soomalida K/Afrika, ayaa mahad-celin ballaaran u jeediyey Dowladda iyo shacabka dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga, isagoo ku ammaanay sida hagar la’aanta ah ee ay u kaalmaynayaan Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.
Waxa uu ku booriyey Dowladda Turkiga, inay sii Toban jibbaaraan taakuleynta Somalia, tan iyo inta laga helayo Dowlad waarta oo loo wada dhan yahay.
Sh. Tooxow, ayaa sidoo kale baaq aan caadi aheyn u jeediyey Dowladda KMG ee Somalia, isagoo ugu baaqay inay kaalin libaax leh ka qaataan dadaalada nabad soo celinta dalka ee uu majaraha u hayo Turkiga.
C/risaaq Indha Jaceyl
Cape Town, South Africa
Email : Daauus1@gmail.com
|
|


Print
