WAR DEG DEG: Sheekh Cali Dheere oo faah faahin ka bixiyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Degmada Afgooye
Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa wuxuu sheegay inay maanta geysteen khasaarihii ugu cuslaa, ee ay waa yahaan u geystaan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
Afhayeenka Guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere), oo caawa Warbaahinta ka soo dhex muuqday, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay jab iyo halaag u geysteen Dowladda iyo Amisom.
Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay in weerarkaan ay ka geysteen Dugsigii Sare ee Degmada Afgooye, isla-markaana wuxuu sheegay inuu fulliyay mid ka mid ah Ciidamadda Guutada Isqarxinta ee Xarakada Al Shabaab, kaasoo uu sheegay inuu maanta jab iyo halaagba u geystay Ciidamadda Dowladda iyo Amisom.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa wuxuu sheegay inay ku wada sugnaayeen Saraakiil ka kala tirsan Dowladda, Amisom iyo kuwa kaloo Cadaan ah, oo uu sheegay inay diyaarinayeen qorshe uu sheegay inay uga hortagayeen weerarada ay ka geysanayaan wadada isku xirta Magaalada Muqdisho.
Wuxuu xusay in goobtaasi ay ku sugnaayeen tiro ka badan 100 ciidan iyo saraakiil kala duwan, isla-markaana wuxuu sheegay inay goobtaasi ku dileen tiro ka badan 80 ruux, halka ilaa 60 kalana uu sheegay inay dhaawacmeyn.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan weerarada noocaanoo kala ah ee ay ka geysanayaan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo intaasi ku daray inaysan weli dhamaan dagaalada ay kula jiraan dhinacyada kale.
Iskusoo wada-duuboo Afhayeenka Guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere), ayaa wuxuu Ciidamadda Dowladda Soomaaliya uu ugu baaqay, inay iskaga haraan Dowladda Somaliya, maadaama khasaaraha ay u geysanayaan ay inta badan soo gaaraan ciidamadda.
|
|


Print
