Dagaalo xoogan oo dhex maray Ciidamadda Kenya iyo Xarakada Al Shabaab
Dagaalo culus ayaa waxay dhex mareyn Ciidamadda Dowladda Kenya iyo Xarakada Al Shabaab, waxayna dagaaladaan ay ku dhex mareyn duleedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Dowladda Kenya, ayaa waxay dagaalo qorsheysan ay ku soo qaadeen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee fariisimaha ku leh meel aan ka fogeyn Deegaanka Faa-faaxdhuun, oo dhaca duleedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Ciidamadda Huwanta ayaa waxay dagaalo culus oo faraha looga gubto ay la-galleen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, waxayna dagaalamayeen muddo dhan laba saacadood oo xiriir ah, iyagoona ku guuleystay inay dhul hor leh ka qabsadaan Xarakada Al Shabaab.
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Dowladda Kenya oo ka itaal roonaaday Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay xilligaan qorsheynayaan inay Xarakada Al Shabaab ka saaraan Degmada Baardheere, sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda.
Afhayeenka Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo Colnel Warfaa Sheekh Aadan, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay doonayaan inay qabsadaan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, isagoo qiray inay iyagu dagaalada soo qaadeen.
Colnel Warfaa Sheekh Aadan ayaa wuxuu xusay in goor dhaw ay gacanta Xarakada Al Shabaab ka saari doonaan Degmada Baardheere, oo uu ku sifeeyay mid muhiim u ah gacanta Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, haddiiba ay soo geli laheyd.
|
|


Print
