By: Mastar //  Jun 16 2012 at 2:31 pm //  4,847 Reads  // Wararka Somalia

Mucjisada kubada cagta adduunka Messi oo eedeymo culus loo-jeedinaayo

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xidiga caanka ah ee haatan aduunk oo dhan heesta Messi ayaa dhaleecayn joogto ah wuxuu kala kulmaa taageerayaasha xulka qaranka wadankankiisa asagoona kulamadii ugu danbeeyay xulka guulo gaarsiiyay.

Taageerayaasha ayaa xidigaan waxay ku dhaliilayaan inuusan aqoon wanaagsan u lahayn heesta calanka iyo inuusan guulo badan u horseedin xulka sida kooxdiisa barka oo kale.

Arintaan ayaa waxaa ka hadlay xidigii hore ee xulka Arjantiin Maradona oo sheegay in hadii ay sii socoto dhaleeceeynta loo soo jeedinayo Messi ay ku xanbaari karto inuu gabi ahaanba isaga fariisto u ciyaarida xulka.

“Haddii aad sii wadaan dhaleeceynta messi waxa uu baaqi ku ahaan doonaBarcelonamardanbana uma ciyaari doono xulka” ayuu yiri ciyaaryahankii hore.

Messi ayaa haatan ah xidiga aduunka isla markaana loogu jecelyahay waxaana xidigaan uu guulo badan u horseeday kooxdiisaBarcelonaee ka dhisan wadankaSpain.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments