By: Mastar //  Jun 16 2012 at 11:58 am //  1,554 Reads  // Wararka Somalia

Xarakada Al Shabaab oo sheegtay inay weerar ismiidaamin ah ku dishay ilaa 100 askari iyo saraakiil ka tirsan Dowladda

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xarakada Al Shabaab ayaa waxay shaaca ka qaaday inay khasaaro xoogan u geysatay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, iyadoo ku faantay inay jab lama ilaawaan ah u geysatay Ciidamadda Dowladda.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida iyo Booliska ayaa waxay sheegtay inay yimaadeen iskuulka lagu magacaabo Dugsi Sare, oo ku yaalla Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelle, gaar ahaan wuxuu ku dhinac yaallaa Baar Ismaaciil, oo ay fariisimo ku lee-yihiin Ciidamadda Dowladda.

Saraakiisha Nabad Suggida iyo Booliska ayaa waxay Xarakadda Al Shabaab sheegtay inay u yimaadeen Degmada Afgooye, sidii ay uga hawl-galin lahaayeen Ciidamadda Nabad Suggida iyo Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.

Mid kamid ah Ciidamadda Guutada isqarxinta ee Xarakada Al Shababa oo watay gaari Kaarib ah, ayaa waxay Al Shabaab sheegtay inuu isku soo ekeysiiyay gawaaridii ay la-socdeen Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, isla-markaana uu isqarxiyay markii ay gaariga ka soo dagaayeen.

Weerarkaan ayaa waxay Al Shabaab sheegtay inay ku dishay ilaa 100 askari oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, ayna ku jireen Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, inkastoo uusan warkaasi weli kala cadeyn.

Warkaan oo laga akhriyay Idaacada Andulus ee Xarakada Al Shabaab, ayaan weli wax jawaab ah oo ku aadan ka soo bixin dhinaca Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments