By: Mastar //  Jun 16 2012 at 10:59 am //  1,646 Reads  // Wararka Somalia

WAR DEG DEG: Goob ay ku sugnaayeen Saraakiisha Dowladda ee Degmada Afgooye oo uu nin isku qarxiyay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Nin watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa wuxuu isku qarxiyay fariisimo ay Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay ku lee-yihiin Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ninkaan isqarxiyay oo watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa wuxuu isku qarxiyay fariisimo ay Ciidamadda Dowladda ku lee-yihiin Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye, halkaasoo uu ka dhashay khasaaro xoog leh.

Weerarka ismiidaaminta ah ee goobta lagu qaaday ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiisha Dowladda ee Degmada Afgooye qaarkood, wuxuuna weerarkaan uu ahaa mid weyn looga maqlay qeybaha kala duwan ee Degmada Afgooye.

Shacabka ku dhaqan Degmada Afgooye ayaa waxay ku soo waramayaan inay ka argagaxeyn sawaxanka qaraxaan oo aad u xooganaa, iyagoo dhinaca kalana sheegay inuu geystay nin ay sheegeen inuu ahaa mid maskaxda laga soo xaday.

Qaraxa ayaa dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, isla-markaana lama ogo khasaaraha dhabta ah ee uu geystay qaraxaan oo aad u xooganaa.

Waa qaraxii ugu xooganaa oo ismiidaamin ah oo ebid ka dhaca Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, mana jirto cid ka tirsan Masuuliyiinta Dowladd Soomaaliya oo ka hadlay weerarkaan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments