By: Mastar //  Jun 16 2012 at 9:37 am //  1,289 Reads  // Wararka Somalia

Magaalada London oo lagu qabtay xaflad lagu taageerayo C/Raxmaan Baadiyow “Daawo Sawirada”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xaflad si heer sare ah loo soo abaabullay, islamarkaana ay ka qeybgaleen dad farabadan oo aad looga yaqaanno magaalada London ee caasimadda dalka Britain, laguna taageerayay musharrxnimada Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyow) uu isu soo sharraxay tartanka doorashada madaxtinimo ee dalka Soomaaliya ayaa shalay lagu qabaty koonfur bari magaladaas.

Ka qeyb galayaasha munaasabadda ka qeybgalay ayaa waxaa hormuud u ahaa beesha Mudulood ee uu Dr. C/raxmaan kasoo jeedo, waxaana sidoo kale munaasabadaas oo qado sharad aheyd ka qeybgalay dadyow kale oo ka kala socday qeybaha bulshada Soomaalida.

Munaasabadda ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha, kuwaasoo si weyn usoo dhaweeyay musharraxnimada Dr. C/raxmaan Macallin, iyagoo sheegay inuusan aheyn nin qabiil ee uu yahay nin qaran, taana ay daliil ay u tahay howlihii uu dalka Soomaaliya kasoo qabtay wixii ka dambeeyay sanadihii burburka.

Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi oo goobta munaasabadda lagu qabtay ka hadlay ayaa ka sheekeeyay sababaha ku kallifay inuu isu soo taago xilligaan tartranka madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, kaasoo lagu wado in lagu qabto gudaha dalka 20 bisha August ee soo socota.

Mr C/raxmaan ayaa sheegay in sababta ku kalliftay inuu isu soo sharraxo doorashada ay tahay sidii dalka Soomaaliya uu uga saari lahaa xaalladda adag ee uu ku jiro sanado farabadan.

Musharraxan ayaa sheegay in haddii la doorto xilka madaxweyne uu hiigsanaayo qodobadaan

·Dowlad wanaagsan oo somalida yeelato taas oo soo celisa heekalkii dowladeed.
·In somalida dhexdeed laga hirgaliyo dib u hishiisiin dhab ah.

· In Somalia ay dariskeeda kula noolaato si nabad galyo ah.
· In uu la dagaalamo dembiyada abaabulan ee ka dhacay Somalia iyo masuq maasuqa nuuc kasto ah iyo arrimo kale.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada magaca ku leh waxaana kamid ah.

1-Sheikh Max’ed Kulmiye.
2-Sh. Xussein Maradona.
3-Sheikh Cusmaan Xoosheey.

4-Avv. Ciise Axmed Warsame.
5-Cilmi Cirro.
6- Cali Jarmal.

7- Avv. Cumar Dhageey.
8-Dr. Xassan Basey.
9-Fanax, Yaasiin Bulsho.

10-Indha Korey iyo xubno kale oo aad u fara badan, kuwaasoo muujiyay sida ula dhacsan yihiin musharraxnimada Dr. C/raxmaan.

Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi BAADIYOW ayaa 5-tii bishan June 2012,uga dhawaaqay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho inuu yahay musharrax u taagan tartanka doorasho ee madaxtinimada dalka Soomaaliya ee la qorsheeyay in la qabto bisha August ee sanadkaan.





Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments