By: Mastar //  Jun 14 2012 at 8:20 pm //  3,415 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Nin u dhashay Sacuudiga oo ku kacay fal argagax leh “Daawo”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Nin u dhashay dalkaas Sacuudi Carabiya ayaa waxaa la sheegay inuu si xun oo ka baxsan bini’aadanimada uu ula dhaqmay nin miskiin ah oo dalkaas ka shaqeysanaayey asagoona uu ninkaas uu u geystay aflagaado caay islamarkaana uu wajiga ka candhuufaayey oo uuna ku qasbay inuu lugaha ka shumiyo xilli uu ninkaas si degan uu u baryootamaayo.

Ninkaan miskiinka ah oo wadankaas ka shaqeysta oo ka ahna tagsiile kana soo jeedo dalka Bangaladesh islamarkaana ahaa nin muslim ah ayaa waxaa la sheegay inuu ninkaan Sacuudiyaanka ah uu ugu soo mar marsiyooday inuu wadanka wax ka sheegay, iyadoona intaas ka dib uu ninkaas dharbaaxyeeyey wajigana uu candhuuf kaga tufaayey, islamarkaana uu ku qasbay inuu isugu yeero eey iyo xayawaan ay leeyihiin dalka Sacuudigu inuu yahay sidoo kale ayuu waxaa uu mar walba ku qasbaayey inuu gacanta iyo lugaha uu ka shumiyo islamarkaana uu qiro inuu Sacuudigu yahay dalka aduunka ugu wanaagsan oo ayna u yihiin asaga aabe iyo hooyo, Ninkaan oo ay cabsi weyn ka muuqato islamarkaana ay infhihiisu ilmo ku taagan tahay ayaa waxaa uu mar walba sameynaayey waxa la faro asagoona si miyir ah isaga tirtiraayey candhuufta uu wajigiisa ka buuxiyey ninaas cawaanka ah ee u sheeganaayo awooda, dadka Sacuudiga ayaa waxay ku caan baxeen inay yihiin kuwo mar walba si xun ula dhaqma ayagoo is bidaayo inay ka sareeyaan dadkaas aajanabiyiinta ah ee isoo shaqo tago dalkooda.

Ugu dambeyntiina iyadoo dalkaas Sacuudi Caribiya uu yahay mid mar walba ay ka dhacaan waxyaabo fara badan oo ka baxsan Islaanimada iyo bini’aadanimada ayaa waxaa la sheegay in ninkaas miskiinka ah uusan wax talaabo ah qaadi karin maadaama uu ka baqaayo inay arinta sidaas ka sii xumaato oo xabsi la dhigo islamarkaana laga musaafuriyo dalkaas uu usoo xammalashada tegay, dowlada Sacuudiga ayaa waxaa la sheegay in kastoo ay ka warheyso tacadiyada ay dadkeeda ku hayaan aajanabiga ka shaqeysta dalkaas ayeysan hadana jirin cid wax ka qabata arintaas iyadoona ay dadku ku nool yihiin cabsi joogta ah iyo maxaan la kulmi doonaa maantana.

Daawo


Abdirizak Xiireey
Abdirizakxiireey@hotmail.com


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments