By: Mastar //  Jun 12 2012 at 10:31 am //  4,205 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Dhacdo layaab leh oo maanta ka dhacday Degmada Mahadaay iyo reer Mahadaay oo hadal-haaya

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dhacdadaan oo layaab ku beertay shacabka ku dhaqan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxay ku tilmaameyn inay horey uga dhicin Degmada Mahadaay, ayna ebid ku arkin intii ay ku sugnaayeen Degmada Mahadaay.

Degmada Mahadaay ayaa waxaa maanta yimid dagaal-yahano Ajaaniib ah oo Xarakada Al Shabaab ka tirsan, kuwaa oo Degmada Mahadaay yimid iyagoo wata shan faras, waxaana raggaan tiradoodu lagu sheegay shan oo kaliya.

Waxay raggaan yihiin rag Ajaaniib ah oo u dhashay Qaaradda Afrika, waxayna Degmada Mahadaay soo galleen iyagoo indhaha taag-taagaaya “Fiigtaal”, waxayna shacabka ay damceen inay weydiiyaan halka ay ku taallo Xaruunta Degmada Mahadaay, laakiin shacabka ayay is-fahmi waayeen.

Shacabka Degmada Mahadaay ku dhaqan ayaa waxay sheegeen in raggaasi ay la-hadleen, balse waxay sheegeen inay fahmi waayeen wixii ay ku hadlaayeen, iyagoo sheegay in afka ay ku hadlayeen aysan horeyba u maqlin.

Iyagoo ku dul wareegaaya Degmada Mahaday ayaa waxay markii dambe ay galleen gudaha Saldhiga Degmada Mahadaay, oo ay maamusho Xarakada Al Shabaab, isla-markaana raggaan ayaa waxay weli ku sugan yihiin Degmada Mahadaay.

Maamulka Xarakada Al Shabaab ee Degmada Mahadaay ayaan weli ka hadlin waxa ay yihiin raggaan iyo halka rasmiga ah ay ka yimaadeen, balse waxaa loo-maleynayaa inay ka yimaadeen dhinaca Degmooyinka Jowhar iyo Balcad Deegaano ka tirsan.

Waxay shacabka wax lala yaabo ay ku tilmaameyn in Degmada Mahadaay ay yimaadaan rag indhaha soo duubtay, waxayna xuseen inaysan horey u dhicin rag yimaada Degmada Mahadaay, oo ku yimaada fardo, marka laga reebo in Ciidamadda Shabaab ay Degmada Mahadaay ku yimaadaan baabuur.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments