Hay’adda CID-da oo sheegtay in Degmada Afgooye ay ku sugan yihiin niman hubeysan oo gaar ah
Hay’adda CID-da ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay heshay cadeymo muujinaaya, in Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ku sugan yihiin rag hubeysan oo aanu ka tirsaneyn Ciidamadda Dowladda.
Taliyaha Hay’adda CID-da ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Colnel C/Laahi Xasan Bariise, oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Degmada Afgooye ay ka hawl-gallaan rag hubeysan.
Ragga hubeysan ee ka hawl-galla Degmada Afgooye ayaa wuxuu tibaaxay inaysan ka tirsaneyn Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, isla-markaana wuxuu sheegay inay yihiin kuwo nabadda u diidan sida uu sheegay shacabka ku dhaqan Degmada Afgooye.
Taliyaha ayaa wuxuu xusay inay raggaasi ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab, oo uu sheegay inay dooneyso inay qas iyo fooddo hor leh ay ka abuurto Degmada Afgooye, oo laba todobaad kahor lagala wareegay Xarakada Al Shabaab.
Colnel C/Laahi Xasan Bariise ayaa wuxuu sheegay inay digniin u jeedinayaan raggaasi oo aan ka tirsaneyn Ciidamadda Dowladda, isla-markaana shakhsi walba oo aan ka tirsaneyn Ciidamadda Dowladda oo ay gacanta ku soo dhigeen isagoo hub ku dhex sita Degmada Afgooye, ayaa wuxuu balan qaaday inay tallaabo adag ka qaadi doonaan.
Colnel C/Laahi Xasan Bariise ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay in Ciidamadda Dowladda Somaliya ay ka shaqeyn doonaan ammaanka, ayna kahor taggi doonaan kuwo uu sheegay inay ka soo horjeedaan nabad ka dhalata Degmada Afgooye.
|
|


Print
