By: Mastar //  Jun 05 2012 at 8:25 pm //  1,450 Reads  // Wararka Somalia

Xarakada Al Shabaab oo sheegtay in caawa meydadka Ciidamadda Ahlu Sunna ay daadsan yihiin Galbeedka Magaalada Ceelbuur

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xarakada Al Shabaab ayaa waxay caawa sheegtay inay khasaaro culus u geysatay Ciidamadda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, kuwaa oo ay sheegtay inay caawa meydadkooda waran yihiin Galbeedka Magaalada Ceelbuur.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay maanta dagaalo lagu hoobtay ay la-gashay Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, waxaana dagaaladaasi la-sheegay inay khasaarooyin culus kala kulantay Xarakada Al Shabaab, inkastoo ay beenisay.

Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab, oo caawa la-hadlay Saxaafadda ayaa wuxuu sheegay inay guulo muhiim ah ka gaareyn dagaaladii maanta ka dhacay Galbeedka Magaalada Ceelbuur.

Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu sheegay inay askar badan ka dilleen Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, isagoo intaasi ku daray inay caawa meydadkoodu waran yihiin Galbeedka Magaalada Ceelbuur, sida uu sheegay.

Sidoo kale dagaalada ayaa wuxuu tilmaamay inay Ahlu Sunna kaga gubeen ilaa 3 baabuur, oo uu laba ka mid ah uu ku sheegay inay ahaayeen gawaarida dagaalada, halka midka seddexaadna uu ku sheegay in uu ahaa nooca raaxada.

Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu diiday in dagaalada maanta ka dhacay Galbeedka Magaalada Ceelbuur, khasaaro culus loogu geystay Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, isagoona sheegay in kaliya 2 askari ay kaga dhimatay.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments