Gabar Somaliyeed oo qiyaano xanuun badan ku kacday “Nabsigu xanuun badanaa”
Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo C/Qaadir iyo Luul, C/Qaadir ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid xanuun badan ah.
Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan, waxaana ku soo barbaaray isla degmada Hodan, waxbarashadeeda hoose iyo dhexe ayaa waxaa ku soo qaatay iskuulka Xuseen Sheekh Rashiid, halka waxbarashadeeda dugsiga sare aan ku soo qaatay iskuulka Al Xikma oo ku yaalla xaafadda Taleex ee degmada Hodan.
Gabadha aan ifka ugu jeclaan doono ee Luul ayaa waxaa isku baranay iskuulka Al Xikma, inkastoo aanu kala ahayn laba fasal ayaa waxaa hadana si kedis ah isku baranay, xilligii la-soo bixi jiray.
Maalintaas oo runtii ah maalin taariikhi ah ayaa waxaa Luul ka qaatay teleefan berigaasi ugu jiray gurigooda, kaasoo naga saaciday inaan Luul si weyn iskugu soo dhawaano, inta badan ayaa waxaanu wada hadli jiray xilliyada habeenkii ah, mararka qaarkoodna waxaaba nagula gaari jiray xilli dambe.
Isfahan xoog leh kadib ayaa waxaa Luul u soo bandhigay inaan jaceyl wadaagno, nasiib wanaag iyana waa ay i soo dhaweysay, waxaa sameysanay isbuuc kastaa inaanu kullano hal maalin oo qura, maalintaasna waxaanu ka dhiganay Khamiis, ilaa hada maalinta Khamiista ah waxay ii leedahay xasuus gaar ahaaneed.
Jaceylkii inaga dhaxeeyay aniga iyo Luul ayaa sii xoogeystay waxaanu wada gaarnay in ruux kastaa uu jecleysto in ruuxa kale uu aallaaba soo raadiyo, inkastoo aan aniga si dhab ah u jeclaa Luul, ayaa waxaa muddo kadib ogaan doonaa inaysan dhab ii jecleen, laakiin maxaa dhacay?
Xilligii uu noo dhamaaday waxbarashada heerka dugsiga sare ayaa waxaa nasiib u yeeshay inaan waxbarasho u soo raadsado dalka Hindiya/India, waxaana Luul ku wada heshiinay in ruuxba ruuxa kale uu suggo, isla-markaana aanu wada ilaalino balanta, anigoo ka murugeysan cidladda aan wejihi doono ayaa waxaa ka soo tagay magaaladda Muqdisho, waxaana soo gaaray dalka Hindiya.
Waxaan gallay waqtigii adkaa ee waxbarashada xilli ay maskaxdeeda ka dhex guuxeyso Luul, laakiin waxaa nafta ku qancin jiray maalin uun waad guuleysan doontaa ee horey uun u sii soco.
Waxaa inta badan Luul dhambaalada isku dhaaf-siisan jirnay Khadka Internetka, mararka qaarkoodna waxaaba ka wici jiray teleefanka, wuxuu soo jiitamo jaceylkii waalida ahaa, ayaa waxaan maqlay xilli aan sanad iyo bar ka soo maqanahay in Luul ay guursatay wiil kale, laakiin waxay igu noqotay mid fillan-waa ah.
Anigoo naxsan oo sida ay kurbada iga muuqato aad ka naxeyso ayaa waxaa soo wacay Luul, waxaana wax ka weydiiyay wararka sheegaaya inay nin guursatay iyo in kale, laakiin asxaan iima aysan sameyn oo waxayba igu tiri “Weli guur ma-dhicin, balse meher uun baa dhacay”, intaan qosol been been ah iska doonay ayaa waxaan ku dhahay ciyaarta iga daa, hase ahaatee waxay igu jawaabtay “Walaahi inaanan been ku sheegeen waxaa i mehersaday Axmed Saadaq” Axmed Saadaq waa wiil aanu wada degneed degmada Hodan, balse uusan xiriir fiican naga dhaxeyn.
Markaan wax ka weydiiyay sababaha ay u guursatay iyo waxa ay iga qarisay ayaa waxay igu jawaabtay “Jaceyl maba rumeysneen sideedaba ee calafkaan rumeysnaa, hadase waan hellay midkii aan u dhixi lahaa” waxaan maalintaas ka tagay anigoo isku arkay inaan ahay shakhsiga adduunka ugu nasiibka xun.
Waxaan baroorto, murugoodo, fikiro ayaa waxaa iga qafiifay culeyskii xoogga badnaa ee i soo wajahay, waxaana dhexda u xirtay inaan waxbarashadeeda uun sii wato, xilligii aan waxbarashadeeda soo dhameystay ayaa waxaan dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho, waxaana la-kulmay Luul oo ay soo kala taggeen ninkii ay iga raacday iyo gabadh yar oo ay u dhashay.
Ku dhawaad markaan laba bilood Xamar joogay ayaa waxaa maalin maal-maha ka mid ah guriga anigoo jooggo iigu yimid, Luul iyo gabadh kale oo aan isku fiicneen oo uu magaceedu yahay Zamzam.
Sheeko dheer kadib ayaa waxay maalintaas Luul ay iga codsatay inaan hal maalin oo qura aan la-kulmo, waase ka yeellay, kullankii aanu kullanay ayaa waxay iga sheekeysay guurkeeda kadib dhibaato badan oo ay kala kullantay wiilkii ay iga raacday ee Axmed Saadaq, hadase waxay ii soo bandhigtay inaan dib iskugu soo laabano, iyadoo ku calaacashay “Arinta foolxumada badan ee aan ku kacay ha’inoqoto mid waayo aragnimo leh, hadase kadib waxaan ku noqon doonaa mid magacaaga uun sheeg sheegta”.
Hadaba waxaan ka codsan lahaa akhristayaasha sharafta leh inay fikirkooda igu saacidaan.
|
|


Print
