Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud
1-Su’aal Sheeg ruuxii ugu horeeyay ee qoray Bismillaahi Raxmaani Raxiim?
Jawab: Waxaa weeye Nebi Suleymaan Cs.
2-Su’aal Sheeg ruuxii ugu horeeyay ee Islaamnimo ku Shahiida?
Jawab: Waxaa weeye Yaasir Bin Camar Rc.
3-Su’aal Sheeg gabadhii ugu horeysay ee Islaamnimo ku Shahiido?
Jawab: Waxaa weeye Sumaya.
4-Su’aal Sheeg ruuxii dillay Sumaya Rc?
Jawab: Waxaa dillay Abuu Jahal.
5-Su’aal Sheeg magaca baarlamaankii ama xaruuntii ay ku shiri jareen Kufaartii Qureysheed?
Jawab: Waxaa la-oran jiray Daarul Nadwa.
6-Su’aal Sheeg magaca ninkii dillay Cumar binu Khadaab Rc?
Jawab: Waxaa la-oran jiray Abuu Lu’lu Al Majuuz.
7-Su’aal Sheeg magaca ninkii dillay Cali Bin Abii Daalib Rc”
7-Jawab: Waxaa la-oran jiray C/Raxmaan Bin Muljin.
8-Su’aal Sheeg goorma ayuu soo Islaamay Khaalid Bin Waliid.
Jawab: Wuxuu soo Islaamay bishii Safar sanadkii 8-aad ee Hijriyada.
9-Su’aal Sheeg labada Asxaabi marka ay ku dhex jiraan asxaabta Nebiga laga aqoonsan jiray?
Jawab: Waxaa weeye Cumar Binu Khadaab Rc iyo Khaalid Bin Waliid, waxayna ahaayeen labadii asxaabi ee ugu xooganeed Asxaabta Nebiga “NNKH”.
10-Su’aal Sheeg asxaabigii afaraad ee hogaanka ciidamadda Muslimiinta u qabtay dagaalkii weynaa ee Mu’ta?
Jawab: Waxaa weeye Khaalid Bin Waliid Rc, wuxuuna hogaanka uu qabtay markii la-dillay Zeyd Bin Xaarith, Jacfar Bin Abii Daalib iyo C/Laahi.
|
|


Print
