ku dhowaad 50 qofood oo ku dhaawacmay dagalada Muqdisho oo saacadihii la soo dhaafay la dhigay Isbitaalada Muqdisho.
Warar ka soo baxay Saraakiisha caafimaadka Isbitaalka Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa shaageyaa in dhalay ilaa saaka i kabadan 40 qofood oo qaba dhaawacyo kala kuwan la dhigay Isbitaalka, kuwaasi oo ku waxyeeleebay rasasta wiiftada ee ah iyo madaafiic shalay ilaa xalay ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada ay ku garaaceen degaanada ay gacanta ku hayaan xoogaga Islaamiyiinta.
Qaar ka mid dadkaasi waxaa la sheegayaa in ay u geeriyoodeen dhaawacyada ka soo gaaray dagaalada ayadoona maanta oo ah Sabti uu cusbitaalka ku geeriyooday wiil dhalinyara ahaa oo dhawaan ku soo waxyeeloobay duqeyn ku soo dhacday Suuqa Bakaaraha dhaawac darana uu ka soo gaaray kaa oo saakay ku geeriyooday cusbitaalka.
Inta badan dagaalada ka dhaca Muqdisho ayaa ah kuwa ay ku la’daan dadka rayidka ah waxaana yar gargaraarka dadkaasi loo fidiyo ayadoo goobah ay ku yaaliin cusbitaalada ay yihiin kuwa aad uga fog fog iyo gawaarida gargaarka oo aan tagi karin goobaha qaarkood.
DKMG Somalia ayaa inta badan lagu eedeeyaa in ay qaadeyso masuuliyada duqeymaha lagu garaaco magaalada Muqdisho ayadoona goobaha Suuqayada ay yihiin kuwa si kas ah loo soo duqeeyo halkaa oo ay ku nafwayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Sidoo kale, Cusbitaalka Madiina oo isana ka mid ah goobaha la gaarsiiyo dhaawacyada ayaa isna xiligaan waxa uu la ciir-ciirayaa dhaawacyo badan kuwaa oo iyana ku soo waxyeeloobay dagaaladii iyo duqeymaha ka soconayay Muqdisho saacadihii ugu danbeeyay.
Xaalada guud ee dadkaasi dhaawacyada ayaa la sheegayaa in ay sii liitaan waxaana dadka Somalida ay noqonayaan kuwo aan wax raja ah aanan ka sugin kooxaha ku dagaalama dalka.
|
|


Print
