By: Sabah Ali //  May 30 2012 at 10:10 am //  5,684 Reads  // Fanka iyo Suugaanta

Maxaa ka taqaanaa Fanaanka faca weyn Xasan Diiriye Faarax?

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Fanaan ka caankee codka dahabiga lahaa ee soomaaliyeed Xasan Diiriye Faarax waxa uu ku dhashay Magaalada Seylac 1949 -waxana uu ku geeriyoodey fananaku 27 -Julaay-2008 dalka Kuwait ,,sida ay sheegtay gabar uu dhalay, fanka waxa uu ku biiray isagoo da’ yar waxa uuna ka mid noqday fanaaniintii walaalaha Hargeysa, Waxa uu ka mid ahaa fanaaniintii ka qeyb qaatay calan saarkii 1960-kii ee xurnimada ay ku qaadatay Soomaaliya.

Horaantii Lixdanaadkii ayuu yimid magaalada Muqdisho isaga oo ku biiray fanaantii hobolada Waaberi, heesaha inta badan uu ku luuqeeyo Xasan Diiriye waxaa hal abuurkooda iskaleh abwaankii weynaa Xuseen Aw Faarax Dubbad.

Intii ay dagaalada sokeeye jireen waxa uu ka mid ahaa fanaaniintii ku noolaa Magaalada Muqdisho waana fannaan ay aad u jecel yihiin dadka soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan.

Heesaha caanka ah ee uu ku luuqeeyo fanaanka Xasan Diiriye Faaraxayaa waxaa ka mid ah Waris, Ubax, Boqorkii quruxda, Fiidmeer, iyo kuwo kale oo aad u fara badan, waxaa kaloo xasan diiriye aad loogu xasuustaa heesaha wadaniga ah oo uu aad ugu luuqeeyn jiray todobaatanaadkii waxaana ka mid ah heesahaasi “ Timir laf baa ku jirta, Heegan aan ahaano” iyo kuwo kale oo badan.

Xasan Sabriye Afrax (Xasan Great) oo inta badan sameeyey laxanka heeso badan uu ku luuqeeyo xasan diiriye ayaa ku tilmaamay fanaanka Xasan Diiriye mid hibo u lahaa fanka iyo codka macaan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments