By: Mastar //  May 27 2012 at 5:19 pm //  1,301 Reads  // Wararka Somalia

Madaxweyne Shariif oo maanta ku soo laabtay Magaalada Muqdisho iyo si wanaagsan oo loogu soo dhaweeyay + Daawo Sawirada

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si qurux badan leh loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi uu horkacaayo, ayaa waxay maanta dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho, kadib markii ay safaro ku soo mareyn dalalka Ethiopia, Kenya iyo South Africa.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb qaatay Wasiiro, Xildhibaano, Ganacsato, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka, isla-markaana Garoonka Aadan Cadde ayaa maanta si qurux badan loogu soo dhaweeyay Mudane Shariif.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka gaabsaday in uu maanta Magaalada Muqdisho kula hadlo bahda Saxaafadda, si uu uga warbixiyo Safarada uu ku soo kala bixiyay Wadamada Ethiopia, Kenya iyo South Africa.








Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments