Xarakada Al Shabaab oo sheegtay in arin khatar ay ka bilaabatay Degmada Afgooye
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay shaaca ka qaaday in Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ay qafaal ka bilaabeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidamadda Dowladda iyo Amisom ay afduub ka bilaabeen Degmada Afgooye.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay inay Degmada Afgooye ka afduubeen ilaa afartan qof oo shacab ah, kuwaa oo uu sheegay inaan la-aqoon halka ay ula dhaqaaqeen iyo sababta ay u xireyn, laakiin wuxuu sheegay inay ka mid tahay dhibaatooyinka laga bartay.
Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa wuxuu ku goodiyay in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay diyaar u yihiin inay soo bad baadiyaan buu yiri dadka ay afduubteen Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda Amisom, sida uu sheegay.
Abuu Cabdalla ayaa wuxuu kaloo sheegay inaan weli lagu kala bixin dagaalada ka bilowday Deegaanada loo-barakacay iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla-markaana wuxuu sheegay in dagaalada ay bilow uun yihiin.
Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Saraakiisha Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay sheegeen in qorshaha ay u qabsadeen Degmada Afgooye ay tahay, sidii lagu badbaadin lahaa bay yiraahdeen shacabka ku dhaqan.
|
|


Print
