By: Sabah Ali //  May 25 2012 at 8:30 am //  3,697 Reads  // Fanka iyo Suugaanta

Fanaaniinta Dalmar Yare & Farxiyo Kabayare oo Hees cusub soo saaray: “DAAWO”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Fanaaniintaan ee kala ah Farxiyo Kabayare iyo Darmar Yare ayaa soo saaray muuqaalka hees cusub oo aad u macaan laguna magacabo “Dhunkasho”, wexeyna labdaan fanaan si wanaagsan u jileen macnaha heesta.

Farxiyo Kobayare oo kamida fanaaniinta codkooda aadka loo jecelyahay lagu tilmaamo in ayba ka duwantahay fanaaniinta dumarka ah ayaa markaan waxa ay laxadreysay fanaankaan da’da yar ee Dalmar Yare oo u muuqda mid mustaqbal wanaagsan ku leh fanka Soomaalida.

Heestaan Dhunkasho waxaad ka dareemeysaa markii aad dhegeysato ama aad daawato waxyaabo ku cusub fanka iyo weliba erayo aad u cul culus oo dareenka kicinaaya, waxaana sameeyay miraha heesta Abwaan Salax Donyale.

Waxaa kamida eyada heesta : luquntaada dheer iyo dibnahaada dhiinkaa markaan dhunkadaabaa xaadu i dhaqaaqdaa, dhaayihii nafteydow markaad dhool cadeysoo dhabankii salaaxdaa xaadu i dhaqaaqdaa, yaasalaam erayadu macaanaa.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments