WAR DEG DEG: Wariye Axmed Cabdow Canshuur oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goor dhaw lagu dillay Allaha u naxariistee Wariye Axmed Cabdow Canshuur, kaasoo ay dilleen kooxo hubeysan oo aan la-aqoonsan waxa ay yihiin.
Wariye Axmed Cabdow Canshuur oo ka mid ah Wariye-yaasha ka hawl-galla Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la-dillay isagoo ku sugnaa Suuq Boocle ee Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.
Kooxda dishay oo bistoolado wadatay ayaa waxaa la-sheegay inay ku dhufteen dhawr xabadood, isla-markaana uu u dhintay rasaastii ay ku dhufteen kooxdaasi oo loo-maleynaayo inay ka tirsan tahay Al Shabaab.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku soo baxeyn Suuq Boocle oo maanta lagu dillay Allaha u naxariistee Wariye Axmed Cabdow Canshuur, isla-markaana lama yaqaano sababta rasmiga ah ee loo-dillay.
Axmed Cabdow Canshuur oo nin dhalinyaro ah ayaa wuxuu guursaday seddex bilood kahor, waxaana da’diisa lagu qiyaasay ilaa 25 sano jir, wuxuuna Deegaanahaan uu ka soo jeedaa Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.
|
|


Print
