General Dhaga Badan oo sheegay inay maanta baacsanayaan Xarakada Al Shabaab “Top News”
General Dhaga Badan oo ka mid ah Saraakiisha laf-dhabarta u ah Dowladda Somaliyeed, ayaa wuxuu sheegay inay maanta baacsi xoog leh ay ku hayaan Xoogaga Shabaab, oo uu sheegay inay soo wajahday xaalad adag.
Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan), oo galabta la-hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay dagaalo xoogan ku qaadeen Xoogaga Shabaab.
Abaan Duullaha ayaa wuxuu sheegay in dagaalada ay maanta ku qaadeen Xoogaga Shabaab ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo abaabulan, kuwaa oo uu sheegay inay ku doonayaan inay Xoogaga Shabaab kaga saaraan Degmada Afgooye.
Qorshihii lagu qaban lahaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wuxuu ku sheegay inay qeyb ka yihiin dagaaladii qorsheysnaa ee maanta lagu qaaday Xoogaga Shabaab, isla-markaana wuxuu sheegay in goor dhaw ay qabsan doonaan Degmada Afgooye.
General Dhaga Badan ayaa wuxuu qeexay inay durbaba qeyb ka qabsadeen Deegaanka Ceelasha Biyaha, isagoo taasi kala jeeda in Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ay dhabarka dambe kala wareegeen Ceelasha Biyaha, isla-markaana wuxuu sheegay inay gaareyn wadada sida tooska ah u gasha Degmada Afgooye.
Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan), ayaa wuxuu ku goodiyay inay soo gaba-gabeyn doonaan Ciidamadda Xooggaa Shabaab, ayna kala wareegi doonaan sida uu sheegay Degmada Afgooye.
|
|


Print
