By: Mastar //  May 18 2012 at 12:25 pm //  3,247 Reads  // Wararka Somalia

Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud

  • Share
  • Comments
  • Print Print


1-Su’aal Sheeg Asxaabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?
1-Jawab: Wuxu ahaa Sacad Bin Abii Waqaas Rc.

2Su’aal Sheeg kumuu ahaa sir hayihii (Xog-hayii) Nebiga (NNKH)?
2-Jawab: Wuxu ahaa Xudeyfa Binu-Yabaan Rc.

3-Su’aal Sheeg Asxaabigii Nebiga (NNKH) uu u sheegay inuu Alle Jecel-yahay?
3-Jawab: Wuxu ahaa Miqdaad Bin Camar Rc.

4-Su’aal Sheeg goorma ayaa la-furtay Masar (Egypt)?
4-Jawab: Waxa la-furtay 18 hijriyadda.

5-Su’aal Sheeg yaa-furtay Masar ?
5-Jawab: Waxa furtay Cumar Bin Caas Rc.

6-Su’aal Sheeg goorma ayaa la-furtay Faaris?
6-Jawab: Waxa la-furtay 19 Hijriyadda.

7-Su’aal Sheeg meesha uu ku aasan yahay Nebi Ibraahim Cs?
7-Jawab: Wuxu ku aasan yahay Qaliil waxayna ku taalaa dalka Falastiin.

8-Su’aal Sheeg goorma ayuu Ibnu batuuta Soomaaliya yimid?
8-Jawab: Wuxu yimid Qarnigigii 14-aad.

9-Su’aal Sheeg imisa magaalooyin ayuu soomaaliya ka booqday Ibnu Batuuta?
9-Jawab: Wuxu booqday Magaalooyinka kala ah 1-Moqdisho, 2-Saylac, 3-Berbera.

10-Su’aal Sheeg Booqashii Ibnu Batuuta ee Magaallada moqdisho Muxu ka qoray?
10-Jawab: Wuxu ka qoray in dadka deggan Moqdisho ay ahaayeen dad ilbax ah oo soo dhaweyn
Wanaagsan, Kana ganacsan jiray Maqaarka xoolaha iyo dharka.

11-Su’aal Sheeg maxay aheyd faa’iidada ay u lahaayeen saddexda marin biyood
Gumeystayaasha reer Yurub?
11-Jawab: Maxa yelay waxay isku xiraan Qaaraddaha Asia, Africa iyo Yurub.

12-Su’aal Sheeg maxay aheyd sababtii ugu weyneyd ee uu gumeystaha ingiriisku u qabsaday
Goboladda waqooyi ee dalka Soomaaliya?
12-Jawab: Maxa yeelay wuxu doonaayey in uu ka ilaaliyo saldhig ciidan oo uu ku lahaa cadan ee Dalka Yemen.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments