Gabar Somaliyeed oo ka dhaqaaqday wiilkii ifka ugu jeclaa iyo gabadhii oo dib u soo laabatay wiilkaasi “Qiso Cajiib ah”
Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Saalax iyo Asli, Saalax ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid xanuun badan ah.
Waxaan ku dhashay degmada Boondheere ee magaaladda Muqdisho, sanadka markuu ahaa 1980-kii, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay Iskuula Mujamac Ummul Quraa oo ku yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Gabadha aan ifka ugu jeclaan doono ee Asli ayaa waxaanu wada ahayn isku fasal, waxayna degneed degmada Shibis oo ku dhegan degmada Boondheere, isla-markaana waxaa ina dhex maray xiriir, iyadoo muddo kadib uu isku badalay jaceyl.
Asli ayaa waxaa wada-soconay muddo waxaana isla soo qaadanay jaceyl wanaagsan oo ku dhisan daacadnimo, is-aaminaad, xiiso balaaran leh, waxaana dhihi karaa Asli waxay ahayd gabar si-weyn u soo jiidatay laabteeda, waxaana badanaa is-dhaafsan jirnay ereyo mac macaan, kamana daali jirin inaan ammaano Asli, maadaama aan si’aad ah u jeclaa.
Galab galbaha kamid ah ayaa waxaa ii timid Asli oo socoto, saa waxay ii sheegtay hadal aanan ku qancin, iyadoo ii sheegtay in’ay damacsan tahay in’ay aado wadamada horumaray, gaar ahaan dalka Sweden, runtii hadalkaasi kuma aanan qancin, waayo maanan jecleen marnaba inaan kala fogaano Asli, hase yeeshee waxay igu tiri “Saalax gacaliye ogow haddii aan dhoofo ogow adiga oo qura baan ku dhoofay, ogow Saalaxow inaan si-weyn kuu jeclahay, iguna kalsoonow”, markii ay intaasi igu dhahday Asli ayaan ka aqbalay oo sidii ayay isbuuc kadib uga dhooftay magaaladda Muqdisho.
Nasiib daro Asli oo dooneysay in’ay ku dhoofto wax aan sharci ahayn ayaa waxaa laga soo celiyay garoonka dayuuradaha ee Dubai, waxaana dib loogu soo celiyay magaaladda Muqdisho, balse laba isbuuc kadib ayay magaaladda Muqdisho dib uga dhooftay, waxayna aaday magaaladda Kampala ee dalka Uganda.
Wiil la-dhashay Asli oo ku noollaa dalka Sweden ayaa wuxuu doonaayay in uu Asli kasoo qaado magaaladda Kampala ee dalka Uganda, intii ay Asli Uganda joogtay ayaa isku xiriirin jirnay si culus, waxaana igu sii saa’iday jaceylkii aan u qabay Asli, hase ahaatee muddo kadib ayaa waxaan waayay hadalkii Asli, markaan isku dayo inaan waco teleefankii Asli ayaa wuxuu yahay mid hawada ka maqan, ama degsan.
Dabcan akhristoo qofka aad ifka ugu jeceshahay haddii aad weydo meel aad kala xiriirto, war iyo wacaalna aad ka weydo, waad garan kareysaa xanuunka uu leeyahay, iyadoo aan iska calool xumahay ayaa waxaa ka dhaqaajiyay magaaladda Muqdisho waxaana imid magaalada Kampala, balse maxaa dhacday?
Markii aan imid magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaan arkay Asli oo wadada la-mareysa nin ka yimid dalka Sweden oo saaxiib la- ah wiilka Asli la-dhashay ee ku nool dalka Sweden, waxaan hellay fursad aan Asli kula hadli karo, markaas ayaa wax ka weydiiyay sababaha ay xiriirkayna u jartay, isla-markaana ay ula-socoto nin kale, hase yeeshee waxay igu tiri hadal aanan marnaba ka fileen, kaasoo ahaa “Saalax wiilkaan aad arkeyso waxay saaxiibo yihiin walaalkey oo Sweden jooggo, wuxuuna ka yimid dalka Sweden, wuxuuna Kampala uu u yimid inaan isguursano” hadalkaasi markii ay igu tiri ayaa si-weyn u qaracmay, waxaan dareemay xanuun oo dhan, balse caloosha ayaa adkeystay, waxaan jooggi waayay magaalada Kampala waana iskaga soo tagay.
Waxaan imid magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaan Addis Ababa aan ka hellay wado sahlan oo aan ku aadi karo dalka Finland, waxaan bixiyay dhawr kun oo dollarka Maraykanka ah, sidii ayaa waxaan ku imid magaalada Helsinki ee dalka Finland, sidoo kale Asli waxay joogtaa dalka Sweden, weliba iyadoo ay kala tageen ninkii ay iga dooratay, waxayna dooneysaa inaan dib iskugu soo laabano, iyadoo ogaatay in uusan marnaba dhamaaneen jaceylka ay ii qabto.
|
|


Print
