By: Ladan //  Sep 21 2010 at 6:40 am //  427 Reads  // Wararka Somalia

Odayaasha Beelaha Hawiye oo ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowlada KMG ah

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimda Beelaha Hawiye Axmad Diire ayaa waxa uu ka hadlay Khilaaf u dhaxeeya madaxda dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo wax keenay Q Khilaafka.

Axmed Diiriye ayaa ugu baaqay madaxda kale ee Dowlada KMG ah ee Soomaaliya in ay xaliyaan isfaham darida soo kala dhaxgashay labada masuul ee ugu sareeysa Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

Wax uu wax lga xumaado ku tilmaamay in xiligaani ay isku dhacaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha xili dalka uu ku jiro dhibaato midii ugu xumeeyd ee abad soo marta.

Ugu danbeeyntii Axmed Diiriye ayaa dhaliil u jediyey gudiga dastuurka dowlada KMG ah ee Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dastuurka uu yahay mid habooneyn islamarkaaana loo baahan yahay in la joojiyo.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments