By: Mastar //  May 08 2012 at 10:16 am //  4,855 Reads  // Wararka Somalia

Amin Arts oo si qosol badan u weeraray Muuse Suudi Yalaxoow + Daawo

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Amiin Caamir oo ka mid ah wariye-yaasha Soomaaliyeed ayaa wuxuu si qosol leh uu u weeraray Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow, oo ka mid ah Hogaamiyo Kooxeedyadii Magaalada Muqdisho ugu caan-sanaa.

Amiin Caamir oo ay inta badan dadka Soomaaliyeed u yaqaanaan Amin Arts, ayaa wuxuu farshaxankiisa uu ku weeraray Muuse Suudi Yalaxoow, isagoona sheegay in uu weli ku qanacsanaan lahaa isbaarooyinkii uu ku lahaa Magaalada Muqdisho, haddiiba uu hellaayo.

Amin Arts ayaa wuxuu dadka uu kaga qosliyay in Muuse Suudi uu oranaayo Cadaalad kuma jirto Dastuurka Qabyo Qoraalka, isla-markaana uu isagu ka cadaalad –sanaa markii ay isbaarooyinka uu ku lahaa Magaalada Muqdisho.

Marka ay dadka arkaan Kortoonka uu Amin Arts uu ka sameeyay Muuse Suudi Yalaxoow, ayaa wuxuu qof walba uu la-dhacay qosol, waana wax macquul ah marka loo-fiiriyo in Muuse Suudi Yalaxoow sida uu uga soo horjeedo Dastuurka Qabyo Qoraalka.

Inta badan Hogaamiye Kooxeedyadii Magaalada Muqdisho ayaa waxay xilligaan ay si weyn uga soo horjeedaan Dastuurka Qabyo Qoraalka, kaasoo ay ku sheegeen inay ku jiraan qodobo kahor imaanaaya Diinta Islaamka.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments


Facebook