By: Mastar //  May 04 2012 at 2:05 pm //  1,435 Reads  // Wararka Somalia

WAR DEG DEG: Meydadka rag ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo goor dhaw lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay goor dhaw ay Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay meydadka rag ka tirsan Xarakada Al Shabaab, kuwaa oo lagu dillay dagaalo culus oo xalay ka dhacay Xaafadda Xamar Jadiid ee Gobolka Banaadir.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay xalay dagaalo culus ay ku soo qaaday Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, iyadoona dagaalada ku soo qaaday fariisimo ay halkaasi ku lee yihiin Ciidamadda Dowladda.

Meydadkaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xaafadda Xamar Jadiid, iyadoo meydadka ay tiradoodu ahaayeen ilaa afar nin, oo ay Dowladdu sheegtay in uu ku jiro sarkaalkii hogaaminaayay dagaalada ka dhacay Xaafadda Xamar Jadiid.

Gudoomiyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Dowladda Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg, oo goobtaasi kula hadlay Saxaafadda ayaa wuxuu faah faahin uu ka bixiyay meydadka ay soo bandhigeyn iyo waxa ay ahaayeen.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu Xarakada Al Shabaab uu ku eedeeyay mid dhibaato ka geysaneyso Magaalada Muqdisho, isagoona Xarakada Al Shabaab kula taliyay inaysan Magaalada Muqdisho ka dhigin mid uu dagaalo ka sii soconaayo, haddii kalana ay laayi doonaan sida uu sheegay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaalo culus oo sababay khasaarooyin iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee weerarada soo qaaday.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments