By: Mastar //  Apr 30 2012 at 7:26 am //  609 Reads  // Wararka Somalia

Sheekh Cali Dheere oo sheegay inaysan ammaan ahayn Deegaanada Puntland iyo hadalo kul kulul oo ka soo yeeray “Aqriso”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Afhayeenka Ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo warbaahinta kula hadlay duleedka Muqdisho ayaa digniin u jeediyay dadka ajaanibta ah ee ku nool deeganada Maamulka Puntland.

Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole uusan damaanad qaadi karin ammaanka dadka ajaanibta ah ee ku sugan deeganada puntland.

Wuxuu sheegay Cali Dheere Madaxweyne Faroole in uusan ka shaqeyn danta iyo rabitaanka dadka ku nool deeganada Puntland isaga oo sheegay in uu ku fashilmay.

Afhayeenka guud ee Ururka Al-shabaab ayaa hadalkiisa intaa waxa uu raaciyay in dadka ajaanibta ah ee ku nool deeganada uu ka arrimiyo maamulka Puntland in aysan ku qaldamin deeganada Puntland islamarkaana ammaankooda aan lagu damaanad qaadi karin.

Hadalka Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere waxa uu imaanaya iyadoo labo maalin ka hor deeganada maamulka Puntland lagu dilay sarkaal la shaqeynayay shirkadda SARACEN ee ka howlgasha deeganada maamulka Puntland.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments