By: Mastar //  Apr 25 2012 at 2:38 pm //  6,882 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Qiso Jaceyl oo xanuun badan oo dhex martay mucaashiqiin Somaliyeed “Qiso Layaab Leh”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Somaliyeed oo lagu kala magacaabo Baashi iyo Ikraan, Baashi ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid xiiso leh ah.is

Waxaan ku dhashay magaaladda Galkacyo ee gobolka Mudug, waxaanse kusoo barbaaray magaaladda caasimadda ah ee Nairobi, waxaana waxbarashadeyda kusoo qaatay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, isla-markaana waxaa Kenya ku nool muddo fara-badan.

Sidoo kale Ikraan ayaa waxay ku dhalatay magaaladda Galkacyo, balse waxay kusoo barbaartay boqortooyadda Ingiriiska, waxayna aheyd gabar fur furan oo dabeecad iyo asluub intaba leh.

Xilligii aan Ikraan baranaayay ayaa waxaa jaamacad ka dhiganaayay dalka Yaman, waxaana iska baranay Shabakadda caalamiga ah ee Msn-ka, anagoo si’ kedis ah isku baranay.

Waxaan isla soo qaadanay waqti munaasib ah, waxaana u qaaday jaceyl dhab ah, xilli kasta waxaan ku han-weynaa inaan maalin uun arki doono Ikraan, sidoo kale iyana waxay i sheegi jirtay inay si’ kal iyo laab leh ay ii jaceshahay, isla-markaana ay ii sameyn karto wax walba oo ay iyadu awooddo.

Ikraan waxaa wada soconay in ku dhaw seddex sano, hase yeeshee weligey si’ fool ka fool ah uma arag, balse waxaa mararka qaarkood iska jirnay Web Camera, iyadoo aan isweydaarsanay dhawr sawiraan ah.

Muddo kadib ayaa waxay Ikraan aaday dalka Holland, iyadoo halkaasi ku booqatay wiil walaalkeyd ah oo ku jiray xero ku taalla dalkaasi, isla-markaana markay Holland joogtay ayay i soo xiriirin jirtay, balse Mushkiladu ayaa waxay timid markii ay dib ugu soo laabatay magaaladda London ee boqortooyada Ingiriiska.

Hal jeer oo qura ayay i soo wacday sidii ay Ingiriiska ugu soo laabatay, deetana waxaan waayay maqalkeeda oo dhan iskaba daayee muuqaalkeeda, waxay iska badashay teleefanadii aan ku aqaanay, sidoo kale dhawr jeer ayaa waxaa u diray dhambaalo Emailo ah, balse maysan iga soo jawaabin.

Dabcan qof walba waa uu dareemi karaa xanuunka ay leedahay tanoo kale, hase yeeshee waan iska sabray, bil kadib ayaa waxaa leega soo wacay Shirkadda Xawaaladda ee Hodan Global, waxaana la’isheegay inay ii taallo lacag, maanan fileynin in lacagtaasi ay i soo diri doonto Ikraan, balse markaan ogaaday inay Ikraan i soo dirtay ayaa waxaa shirkadda ku iri, fadlan dib halowgu celsho lacagtaasi qofka soo diray.

Laba isbuuc kadib ayay warqad i soo dirtay Ikraan, waxayna igu tiri “Waxaan ku suganahay magaaladda Qaahira ee dalka Masar, waana guursaday ee nin yahow iskakey soo cafi, lacag dhan 300 oo dollar ayaa waxaa kuugu soo diray Shirkadda Xawaaladda ee Hodan Global ee sidaas ula soco” xaqiiqdii aad baan uga gil gilshay waxa ay igula kacday, hase yeeshee maanan soo qaadan lacagtii ay i soo dirtay.

Waxaan isku dayay inaan ogaado sababaha keenay inay nin kale guursato, laakiin waxaan soo gaaday in wiilka guursaday ay wax badan wada socon jireyn, micnaha intii aan wada soconay in lamid ayay wiilkaasi wada socdeyn, wuxuuna kula noolaa dalka Ingiriiska.

Hada waxaan ku suganahay marxad xanuun fara-badan leh, ee akhristoo tanoo kale haddii ay kuugu dhici laheyd, sidee baad uga gudbi laheyd?


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments