By: Mastar //  Apr 09 2012 at 11:20 am //  980 Reads  // Wararka Somalia

Wasiirka Warfaafinta oo si kulul uga jawaabay eedeymo xoogan oo uu u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliya

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn), ayaa wuxuu si kulul uu uga jawaabay eedeymaha xoogan ee uga soo yeeray Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka Warfaafint ayaa waxaa lagu eedeeyay inuusan hay’adaha ammaanka ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ku soo wargellin xafladdii Arbacadii la-soo dhaafay lagu qabtay Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre.

Wasiirka ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in hay’adaha ammaanka oo dhan ay ku war-gelliyeen in xaflad lagu qabanaayo Tiyaatarka Magaaladda Muqdisho, isla-markaana wuxuu sheegay inaysan cidna kahor dhihi karin, naguma soo wargelin.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuusan isagu dayicin suggida ammaanka Tiyaatarka Magaaladda Muqdisho, balse ay dayaceen hay’adaha ammaanka ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, oo uu sheegay inaysan wax xil ah iska saarin suggida ammaanka Tiyaatarka.

Mudane Jaahweyn ayaa wuxuu sidoo kale uu sheegay inuu aad u cambaareynaayo eedeymaha uu u soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, isla-markaana wuxuu sheegay in Madaxweynaha looga baahnaa in uu wax hubsado.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn), oo maal-mahaan ku maqnaa Magaaladda Jabuuti, ayaa wuxuu maanta uu dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho, isagoona Saxaafadda kula hadlay Aadan Cadde Airport.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments