By: Mastar //  Mar 31 2012 at 5:44 pm //  2,158 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Nin u dhashay dalka Shiinaha oo sameeyay dhacdo argagax leh “Daawo Sawirada”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Wadamada caalamka oo dhan ayaa intoodu badan ruxmay kadib markii nin dhalinyaro oo u dhashay dalka Shiinaha uu dab isqab-siiyay todobaadkii la-soo dhaafay, waxayna taasi keentay in dareen gaar ah loo-lahaado ujeedada uu isku gubay.

Jhampel Yetshi waa nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Shiinaha, gaar ahaan Gobolka Tibet, da’diisuna waxaa weeye 26 jir, isagoo si weyn uga soo horjeedsatay Madaxweynaha Dowladda Shiinaha Hu Jintao.

Jhampel Yetshi ayaa wuxuu u cararay dhinaca dalka Shiinaha muddo kooban kadib, markii uu cabsi xoogan uu kala kulmay Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Hu Jintao, oo iyadu cadaadis ku heysa Gobolka Tibet oo uu ka soo jeedo Jhampel Yetshi.

Jhampel Yetshi ayaa wuxuu magan-galyo siyaasadeed uu horey uga hellay dalka India, isagoona muddooyinkii ugu dambeysay ee noloshiisa ku noollaa dalkaasi, oo uu ka hellay magan-galyo siyaasadeed.

Ujeedada uu isku gubay Jhampel Yetshi ayaa waxay salka ku heysaa in Gobolka Tibet uu noqdo Wadan ka madax banaan qeybaha kale ee dalka Shiinaha, isla-markaana isgubidiisa ayaa wuxuu ku soo aadiyay xilli dalka Shiinaha uu ka furmay Shirka Kooxda Brics, oo leesku yiraahdo Wadamada China, India, Russia, South Africa iyo Brazil.

Isgubida Jhampel Yetshi ayaa waxay saameyn xoog leh ay ku yeellatay shirkii ay u fadhiyeen kooxda Brics, isla-markaana Wadamada Caalamka ayaa waxay bilaabeen in dareen gaar ah ay ka muujiyaan ujeedada uu isku gubay Jhampel Yetshi.

Bulshada caalamka ku dhaqan ayaa waxay si weyn u hadal-hayaan dhacdada uu ku kacay Jhampel Yetshi, kaasoo u geeriyooday isgubidii uu todobaadkii hore uu sameeyay.



Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments