By: Mastar //  Mar 30 2012 at 9:45 am //  2,998 Reads  // Wararka Somalia

kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waa barnaamijkii aad inooga barateen Maalin walbo oo jimco ah, Wuxuuna xanbaarsan yahaymacluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.

1-Su’aal Sheeg Suuradda labo aayadood oo sujuud ah ay ku jiraan?
1-Jawab: Waa Suuratul Xaj, aayadaha 18-aad iyo 77-aad.

2-Su’aal Sheeg xagee buu ku dhamaadaa Rubaca seddexaad ee Qur’aanka?
2-Jawab: Wuxu ku dhamaadaa Suuratul Saafaad.

3-Su’aal Sheeg Suuradda Aayadaheyda lagu sheegay Magaca (Yathrib) ee kamid ahaa magacyada Magaalaadda Madiina?
3-Jawab: Waxa lagu sheegay Suuratul Axaab Aayadda 13-aad.

4-Su’aal Sheeg Beledka Aaminka ah ee Qur’aanka lagu sheegay?
4-Jawab: Waa Magaaladda Makatul Mukarama.

5-Su’aal Sheeg Suuradda Dhamaan Aayadaheyda ku dhamaadaan Xarafka Daal?
5-Jawab: Waa Suuratul Ikhlaas.

6-Su’aal Sheeg Suuradda Dhamaan Aayadaheyda ku dhamaadaan Xarafka Siin?
6-Jawab: Waa Suuratul Naas.

7-Su’aal Sheeg Suuradda lagu sheegay Dhamaan Xuruufta Carabiga ah?
7-Jawab: Waa Suuratul Muxamed.

8-Su’aal Sheeg Ninki ugu sareeyey Sayniska qarnigii 20-aad?
8-Jawab: Waa Albert Einstein oo u dhashay dalka Jarmalka.

9-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhashay Albert Einstein?
9-Jawab: Wuxu dhashay 1879-kii.

10-Su’aal Sheeg Albert Einstein Sanadkii uu ku guleystay Nobel Prize-ka ugu qimaha badan Calamka?
10-Jawab: Wuxu ku guuleystay Sanadkii 1921-dii.

11-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhintay Albert Einstein?
11-Jawab: Wuxu dhintay Sanadkii 1955-tii.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments