Qiso aan la’ilaawi karin oo dhex martay wiil iyo gabar Somaliyeed “Qiso Murugo Leh”
Qisadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Qadar iyo Hibaaq, Qadar ayaa ka sheekeeyay qisadaan naxdinta leh.
Waxaan ku dhashay magaaladda muqdisho, waxbarashadeyda ayaa waxaan kusoo qaatay iskuulka Al Caynaan oo ku yaalla degmadda Hodan ee magaaladda muqdisho, intii aan dugsiga sare dhiganaayay ayaa waxaa maalin maal maha kamid ah aan iskuulka ku arkay Hibaaq oo cusub, isla- markaana dooneysa inay iska diiwaan geliso iskuulka.
Anigoo banaanka iskuulka taagan ayay wax iga weydiisay iskuulka, xilligaas waxaa la-socotay hooyada dhashay Hibaaq, sidii ayaa waxaan uga waramay wax-qabadka iskuulka, taa oo keentay inay Hibaaq kamid noqoto ardaydii iskuulka Al Caynaan.
Hibaaq ayaa waxaa si wanaagsan iskugu dhex baranay iskuulka intii aanu wada dhiganeynay, waxaana muddo kadib inoo suurta gashay inaan ka wada hadalno teleefanadii xilligaa inoogu jiray guryaha, waxaana noqonay lamaane is-kaftan yaqaano, wax walbana isku sheegta.
Hibaaq waxaan isku qaadnay jaceyl, isla-markaana waxaanu isku afgaranay inuu ina dhex maro xiriir jaceleed, waxaana isla soo qaadanay waqti wanaagsan, jaceyl daacad ku dhisan iyo anagoo noqonay laba qof oo u dhaqma sida dadka maanta loo-yaqaano Romantic People, micnaha dad wax ka yaqaano nolosha adduunka.
Hase ahaatee iyadoo ay sidaasi xaaladdu tahay ayaa waxaa magaaladda muqdisho xoog kusoo galay ciidamadda gumeystaha madow ee Itoobiya, kuwaa oo maalin maal-maha Hibaaq iyo gabar kale oo la-socotay gaari BL ah kala dagay, xilli ay maraayaan wadada miisaanka dhuxusha ee degmadda Yaaqshiid.
Waxay geysteyn fariisimaha ay ku lahaayeen Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium muqdisho, isla-markaana waxay u kafsadeen sidii ay doonaayeen, iyagoo saacado kadib iska soo fasaxay, hase yeeshee in cabaar ah markii ay sii socdeen ayay dhabarka ka toogteen (Alla Xanuun Badanaa).
Islaan waayeel ah oo gaariga la-saarneyd Hibaaq iyo gabadhii kale ayaa waxay ehelka Hibaaq u soo sheegtay in gabadhii Hibaaq aheyd ay la-tageyn ciidamadda gumeystaha madow ee Itoobiya, habeenkii ayuu wiil la-dhashay Hibaaq i soo wacay, isagoo iga sheekeeyay dhacdadii foosha xumeed ay ku dhacday Hibaaq, xilligaa wixii ka dambeeyay waxaan ku biiray ciidamaddii maxkamadaha Islaamigaa ee xilligaa loo-yaqaanay muqaawamada.
Habeen walba ama galab kasta waxaan kamid ahaa ciidamaddii weerarka ku qaadi jiray ciidamadii Itoobiya ee xilligaa ku sugnaa magaaladda muqdisho, daba-yaaqadii sanadkii 2008-dii ayaa waxaan ku dhaawacmay weerar goor galab ah aanu ku qaadnay qaar ka tirsan ciidamaddii Itoobiya ee ku sugnaa Warshadii Baastada, balse dhaawaceyga ayaa wuxuu iska ahaa mid fudud.
Ugu dambeen hada waxaan ku noolahay dalka Sacuudiga, waxaana iska ahay arday waxbarta, balse waxaa mooddaa inaanan weli ilaawin Hibaaq oo ay igaga taallo beerka, Mar walbana waxaan Alle uga baryaa in uu ugu bishaareeyo Janno.
|
|


Print
