By: Mastar //  Mar 25 2012 at 12:04 pm //  5,950 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Gabar Soomaaliyeed oo ay heysato dhacdo layaab leh oo u baahan in lala taliya “Ka qeyb qaado”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo C/Fataax iyo Sundus, Sundus ayaa ka sheekeysay dhacdadaan oo mid jah wareer leh ah.

Waxaan ku dhashay magaaladda Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud, waxbarashadeeda dugsiga hoose dhexe ayaa waxaan kusoo qaatay isla Caabud-waaq, halka waxbarashadeeda dugsiga sare aan kusoo qaatay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Sanadkii 2005-tii ayaa waxaan nasiib u yeeshay in aan imaado dalka Koonfur Afrika oo ay ka xamaashaan dhalinyaro fara-badan oo Soomaali ah, kuwaa oo ka kala yimid inta badan gobolada dalka Soomaaliya, waxaana halkaasi ka bilaabay shaqo.

Muddo kadib ayaa waxaa khadka Shabakadda msn-ka aanu iska baranay Sundus, oo xilligaasi ku sugneed magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waxay ahaataba Sundus waxaanu noqonay laba qof oo iskaga dhaw dadka kale.

Sundus waxaa weeye gabar Diinta barata, kutub-na ka raacata magaaladda Nairobi, runtii anna waxaan aad uga dambeeyaa hablaha ku wanaagsan Diintayna Suuban ee Islaamka, xilliyada qaarkood markaanu wada-hadleyno ayaa waxay wax iga sheegtaa Diinta.

Sundus waxay hanatay qalbigayga oo idil, iyadana waxay ii sheegtaa in ay si weyn ii jaceshahay, waxayna ii sheegtaa haddii aanu hal meel ku wada noolaano in ay si wanaagsan ii tex gellin doonto, balse aniga waxaa igu jira shaki xoogan oo ah in ay beri sameyn weydo hadalada ay maanta ileedahay.

Muddo markaan wada soconay ayaa waxay i bartay qoyska ay ka dhalatay oo runtii dad wanaagsan ah, soo dhaweyn wanaagsana ii fidiyay, sidoo kale waxaan Sundus ku heshiinay in aanu isguursano, laakiin waxaan ka cabsi qabaa haddii aan keeno dalka Koonfur Afrika in ay igu dhigto taariikh xanuun badan, sida lagu dhigayba rag fara-badan oo Soomaali, oo xaasas ka keensaday qeybaha kale ee Qaaradda Afrika, kolka ay keensadaan Koonfur Afrika ayay waxay ku dhigaan wax aan caqli gal ahayn.

Sidoo kale Shabakadda Dhacdo.com ayaa waxaan ka akhriyay wiilal fara-badan oo xaasas ka keensaday qeybaha kale ee Qaaradda Afrika, deetana wiilashaasi ayaa waxaa lagu dhigay dhacdo xanuun badan, anna waxaa ka cabsi qabaa in taasoo kale la-igu dhigo.

Dalka Koonfur Afrikana waa dal iska dhib badan, haddii halmar oo qura aad qasaartit ayaa si aad ah u adag sidii aad kusoo kabsan laheyn, waxaana ka laba labeenaayaa in wixii hanti heysto aan Koonfur Afrika ku keeno Sunus, deetana aan kala kulmo khasaaro xoogan.

Waxaan doonaayaa in aan guursado xaas wanaagsan, taasoo aan kaga cararaayo in aan ku dhaco wax-yaabo uusan Alle (SW) raali ka ahayn, hadaba akhrista-yaal ila taliya.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments