Maxaad ka taqaanaa taariikhda Allaha u naxariistee Madaxweyne C/Laahi Yuusuf Axmed “Wax Badan ka Ogow”
Marxuum Cabdullaahi Yuuusuf Axmed Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya waxa uu ahaa madaxweynaha dalka intii u dhaxaysay 2004 ilaa dabayaaqadii sanadkii 2008.
Marxuum cabduulaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa lagu doortay 4 Octoobar Sanadii 2004 doorashadii ka Dhacday Magaalada imbakaaati ee Dalka Kenya Isagoo xilkaa kala wareegay Dr. Cabdi Qaasim Salad Xassan Madaxweynihii hore ee dalka.
Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sanadku markuu ahaa 1934 waxa uu ku dhashay Dulleedka Bari ee Magaalada wardheer
Cabndullaahi yuusuf Axmad waxa uu kusoo Barbaaray Gobolka Mudug ee Bartamaha wadanka soomaalluiya.
Cabdullaahi yuusuf Axmed Madaxweynihii horre ee Dalka ayaa Isaga oo da,yar oo 16 sano jir ah ku Biiray Sanadkii 1950 Ciidamadii Somaalida ahayd ee la Shaqeynayay Talyaaniga.
Cabdullaahi oo ahaa Nin ku Firfircoon Dhanka Howsha Ciidamada ayaa Mudo kooban Si aad ah Uga So Dhalaalay Asklartii Somaalida Isagoo Sanado Kadibna Noqday Sarkaal Xidig le ah.
Marxuum Cabdulaahi yuusuf Axmad ayaa lagu Xasuustaa Jabhadihii Dalka Soo Maray qaarkood Waxana Sidooo kale La Sheegaa Inuu hormuud u ahaa Dhisida Maamulka Putlan ee haatan ka Taliya Gobolo kam,ida Dalka Islamarkaana uu Cabdulaahi Yuusuf Mar ka ahaa Hogaamiye.
Cabdulaahi Yuusuf ayaa Waxa uu Sanado Badan ku Xirnaa Xabsi ku yaala dalka ithopia isagoo lagu eedeyay arim ku adan jamhadayn iyo iyo falal kale.
Cabdulaahi yuusuf ayaa waxa uu ka xanuunsanayay mudo dhanka beerka isagoo maray qaliin dhowr jeer qalin djhanka beerka ah.
Cabadullaahi Yuusuf Axmad ayaa Dowladii uu Hogaaminayay ee lagu Soo Dhisay Magaalada Imbakaati e Dalka kenya usoo Raray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay Waxa uuna Hujuun iyo diidmo kala kulantay Dowladiisu Ururkii Maxkamadaha Islaamiga ee Markaa ka Talinayay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Marxuuum Cabduulaahi Yuusuf Axmed Waxa u ka Badbaaday 18 September Sanadkii 2006 qarax Ismiidaamin ah o ka dhacay Baydhabo kaa oo lala Damacsanaa in lagu qaarajiyo Waxana ku Dhintay qaraxaasi 4 ruux oo uu ka mid ahaa Walaalka Cabdulaahi Yuusuf Axmad Madaxweynihii Hore ee Dalka.
Radio Risaala
|
|


Print
