By: Mastar //  Mar 21 2012 at 3:24 pm //  3,431 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Lamaane Soomaaliyeed oo arin layaab iyo qosol leh ay ku dhex martay cisbitaal ku yaalla Maraykanka

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa wadanka Maraykanka ka dhacday arin aad uga qoslisay shacabka Soomaalida ee deggan wadankaas. Arintan oo ah dhacdo dhex martay lamaane degan wadankaas. Marka ay arintani dhacasay ayaa lamaanahani waxa ay joogeen cisbitaal ku yaala magaalada Los Angeles ee gobolka California, halkaas oo ay keeneen wiil yar oo ka jiranaa oo xumadi hahaysay.

Intii ay cisbitaalka joogeen ayay isku kaceen lamaanihii, deetana ninkii ayaa intuu aad u carooday qaniinyo xoogan kala dul dhacay xaaskiisa. Qaylo aad u dheer ayaa waxa ay ka soo yeedhay xaaskii markii ay xanuunsatay qaniinyada kulul dareer. Kadib ayaa dad badan oo cisbitaalka ku sugnaa isaga soo baxeen, iskagana maaden gees ilaa gees.

Ninkii oo aad u careysan ayaa halmar oo qura ka naxay shacabkii faraha badnaa ee kusoo xoomay.
Dadkiina waxa ay waydiiyeen sideey wax u jiraan?

Hase ahaatee ninkii ayaa xaaskiisa ku yiri: “Naa waxba dheh! Naa waxba dheh! Naa waxba dheh!”, isagoo ka baqaaya in la-xiro.

Nasiib wanaag xaaska oo aan luqada English si wanaagsan u aqoon ayaa hadli garan weyday. Laakii ninka oo turjumaan iskaga dhigaya xaaskiisa ayaa wuxuu ku jawaabay: “we were playing” oo ay la macno ah waanu cayaareynay.

Xaaska ayaanan wax dacwo ah ka gudbin ninkeeda, iyadoo ugu hanjabtay haddii uu markale dhaawac u geysto in ay kaga dacwoon doonto xukuumadda Maraykanka, bacdamaa ay dalka Maraykanku ilaaliyo xuquuqda shaqsigu leeyahay, siibana dumarka aad loo xanaaneeyo.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments