By: Ladan //  Sep 10 2010 at 10:42 am //  623 Reads  // Wararka Somalia

Sidee baa maanta looga ciiday Muqdisho iyo gobolada dalka

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa maanta si weyn looga ciiday dhamaan Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya kadib marki dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ay usoo gaba gabowday bishi Barakeysned ee Ramadaan oo shalay ku akeyd.

Magaalada Muqdisho ayaa goobaha ay ka taliyaan Islaamiyiinta kala ah Shabaab iyo Xisbul Islaam waxaa saakay lagu tukaday salaada goobo ay dhawaan u cayimeen dadka in ay isugu tagaan rag iyo dumar ciroole iyo caruur.

Xisbul Islaam ayaa dadka degan Lafoole iyo Ceelasha Biyaha waxaa ay ku amreen in ay isugu tagaan laba geebood oo waaweyn iyadoo lasoo xiray saakay dhamaan masaajidada, halak Al Shabaab ay iyaguna meelaha ay ka taliyaan dadka ku amray barxado ay waaweyn.

Meelaha ay dadka ku tukadeen waxaa ka mid ah Garoonka Istadiyum Muqdisho, Xerada Maslax, deegaankada Tareedishe iyo Garas Baaleey, waxaa halkaasi isugu tagay boqolaal dadweyne ah oo ku labisnaa dhar cusub.

Amaanka ayaa waxaa sugayey rag ku labisnaa dhar kala duwan oo ah kuwa Al Shabaab, iyadoo lagu arkayey banaanka meelaha lagu tukaday gaadiid fara badan iyo dadweyne isugu jiray caruur iyo dad waaweyn.

Meelaha ay ka taliso dowlada KMG ayaa waxaa lagu tukday Masaajidada,ma jirin meel ay dadku ay is gaar ah isugu tageen sida garoomada ama barxadaha caasimada ku yaala.

Madaxweynaha dowlada KMGS Sheekh Shariif iyo qaar badan oo ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhibaano ayaa ku tukuday masaajid dhawaan laga dhisay gudaha madaxtooyada kaasoo ay markiiba ku tukaan karaan 500 oo ruux.

Shariifka ayaa salaada ka dib waxa uu ka hadlay masdjidka isaga oo ugu hambalyeey shacabka Soomaaliyeed maalinta ciidada, waxaana uu u rajeeyey sanadkan kiisa kale in ay ku gaaraan barwaaqo iyo bashbash.

Garoonka Istaadiyum Muqdisho ayaa waxaa iyana salaada kadib hadalo ka jeediyey gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseyn iyo sidoo kale afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere.

Shabaab waxa ay maanta soo bandhigeen ciidamo fara badan kuwaas oo dhoola tus ku sameeyey wadada warshadaha gaar ahaan inta u dhaxeysa Garoonka Istaadium Muqdisho ilaa iyo deegaanka Suuqa Xoolaha.

Dhinaca Xisbul Islaam, waxaa u hadlay gudoomiyaha ururkaasi Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dad boqolaal gaaraya salaada ciida ku tushiyey deegaanka Calamanka ee duleedka Muqdisho ayaa si aad ah u weeraray siyaasada dowlada.

Ugu danbeyntii dhamaan gobolada dalka Soomaaliya ayaa si aad ah loogaga ciiday, inakastoo meelo badan oo dalka ah aysan dadka si hagaagsan u ciidin sababo la xiriira shaqo la,aan iyo barakac baahsan oo saameeyey noloshooda.

Dhamaan Umada Soomaaliyeed ayaa waxa ay isugu hambalyeeyeen ciida barakeysan iyaga oo ducada ugu weyna ay aheyd in ALLA uu Soomaaliya kusoo celiyo xasilooni iyo nabad galyo.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments