By: Mastar //  Mar 14 2012 at 8:57 am //  1,829 Reads  // Wararka Somalia

Shacabka Soomaaliyeed oo ka wada naxay markii ay maqleyn dhacdadaan “Aqriso”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Qoys Soomaaliyeed oo degan magaalada Oud Beijerland ayaa in mudo ah ka maqan caruur ay dhaleen, kuwaasi oo kaxeystay Dowladda Nederland, kadib markii lagu eedeeyay dayac iyo xafidaad la’aan.

Aabaha iyo Hooyada caruurtani ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi Bashiir iyo Batuulo, waxayna xiligani ay ku sugan yihiin xaalad adag, maadaama ay ka maqan yihiin Sagaal Caruur ah oo ay dhaleen iyo Afar kale oo ay soo korsadeen, kuwaasi oo xannaaneentooda iminka ay la wareegeen Hey’addaha ku shaqada leh daryeelka caruurta waalidiintooda ka adkaan waayay iney maareeyaan noloshooda.

Wariye ku sugan magaalada Oud Beijerland ayaa sheegay in arintani ay timid kadib markii mid ka mid ah caruurtaasi ay ku gubatay Shaah kulul, dabadeedna waxaa lagama maarmaan noqotay in la waco gaadiidka gurmadka deg dega si loo daweeyo dhaawaca soo gaaray gabartaasi gubatay oo aheyd curudka Cabdi Bashiir.

Sida sharciga dalkani uu dhigayo marka qof dhaawac uu soo gaaro ee gurmadka caafimaadka uu goobta yimaado waxaa qasab ah in ciidamada Booliska la waco si ay goob joog ugu noqdaan, waxaana goobta yimid ciidamo Boolis ah kuwaasi oo su’aalo weydiiyay waalidiinta gabadhaasi ku gubatay Shaaha.

Arintaas ayaa loo aaneynayaa in ay ku timid dhacdadani xanuunka badan ee Qoyskaasi Soomaaliyeed, oo dabagal dheer kadib mar qura laga kaxeystay 13 caruur ah, waxaana ay murugo badan ay ku reebtay guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadankani Holland.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan Oud Beijerland waxay sheegeen in Maxkamadda wadankani aysan weli u go’aamin Waalidiinta dhashay caruurtaasi in ay dib u soo ceshadaan, hase ahaatee waxaa loo balansan yahay Maxkamad kale oo go’aann cad laga sugayo.

Waxaa wadankani ka jira Hey’addo Soomaaliyeed oo u taagan magaca Soomaaliyeed, kuwaasi oo iney u ololeeyaan iska daayee aysan ka war qabin Qoyskaasi Soomaaliyeed ee laga kaxeystay caruurtii ay dhaleen, waxayna magac xumo ku tahay Umadda Soomaaliyeed.

Waa qoyskii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo dhacdo noocaan oo kale ah ku qabsata wadanka Nederland inta la og yahay, walow ay jiraan qoysas Soomaaliyeed oo hal iyo labo caruur ah laga kaxeystay hadana dib loogu soo celiyay, waxayna arintani oo kale ay horay ugu dhacday wadanka Swedan.

Ali Muhiaddin Ali
Utrecht, Nederland
Muxiyaddiin@hotmail.com


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments