Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhaawac xun oo galabta loo-geystay Macalin Jeyte
Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Wadajir ee Maamulka gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Axmed “oo ku magac dheer Macalin Jeyte”, ayaa waxaa galabta si xun loogu dhaawacay Magaaladda Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa waxaa la-sheegay in dhaawaca soo gaaray uu yahay mid aad u culus, kadib markii rasaas looga dhuftay madaxa, taasina ay dhaawaciisa ka dhigtay mid culus, oo la-sheegay inay adag tahay in wax looga qabto dalka.
Mudane Axmed Xasan Cadow “Axmed Daaci” oo ah Gudoomiyaha Degmada Wadajir ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuusan dhiman, oo uu weli nool yahay Macalin Jeyte.
Gudoomiye Axmed Xasan Cadow ayaa wuxuu tilmaamay in gelinkii dambe ee maanta Macalin Jeyte lagu weeraray Suuqa weyn ee Degmada Wadajir, xilli uu sheegay in uu goobtaasi uu dhex maraayay, isagoo sheegay inay weerareyn rag hubeysan oo doonaayay inay dillaan, balse wuxuu sheegay inaysan u suurta gellin.
Mudane Axmed Daaci ayaa wuxuu sheegay in lala tacaalaayo dhaawaca culus ee soo gaaray Macalin Jeyte, isla-markaana wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin in wax laga qabto, dhaawaca culus ee galabta loogu geystay Magaaladda Muqdisho.
Gudoomiyaha Degmada Wadajir ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Cadow “Axmed Daaci”, ayaa wuxuu ka dhawaajiyay inay ku raad-jooggaan kooxdii ka dambeysay dhaawaca masuulkaan.
|
|


Print
