Afhayeenka Amisom oo sheegay in Al Shabaab aysan laheyn awood ay iskaga celiso Ciidamadda Amisom iyo Dowladda
Amisom ayaa waxay sheegtay inaysan xilligaan Al Shabaab laheyn wax awood ah oo ay iskaga celiso Ciidamadda Milatariga ee Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidmadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, oo xilligaan duullaano ku ah.
Xilliyadii ugu dambeysay Ciidamadda Dowladda iyo Amisom ayaa waxay dagaalo joogto ah ay ku qaadayeen Al Shabaab, waxayna ugala wareegeen dhul balaaran oo ku yaalla daafaha Magaaladda Muqdisho, waxayna dad badan ay rumeysan yihiin in Al Shabaab ay dagaalada ku jabtay.
Afhayeenka Guud ee Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Major Paddy Ankunda, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay soo wajahday tabaryari xoogan, isagoo dhinaca kalana sheegay cagta marin doonaan.
“Al Shabaab awood ay xilligaan iskaga celin karto Ciidamadda Amisom iyo Ciidamadda Dowladda malaha, maxaa yeelay waxaan ku qaadnay dhawr jeer dagaalo culus, mar walbana waxaan uga qabsaneynay dhul balaaran” ayuu yiri Afhayeenka Amisom.
“Waxaa naga go’an inaan sii wadno dagaalada aan kula jirno Al Shabaab, maxaa yeelay Al Shabaab waa cadow, waad ogtihiin dhibaatada ay u geysatay shacabka Soomaalida, marka waxaan rabnaa inaan soo gaba-gabeeno” ayuu sii raaciyay.
Afhayeenka Guud ee Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Major Paddy Ankunda, ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay in shacabka Somaliyeed ay taageersan yihiin hawl-gallada dalka Somaliya looga saaraayo Al Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay’e.
|
|


Print
