Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud
1-Su’aal Sheeg magaca Cumar Binu Khadaab Hooyadii?
1-Jawab: Waxa weye Xintama Bintu Hishaam.
2-Su’aal Sheeg Safiya Bintu Xuyeey inta uusan Rasuul (NNKH) guursan ninkii qabi jiray magaciisa?
2-Jawab: Waxa weye Kinaana Ibnu Rabiica.
3-Su’aal Sheeg Juweriya xilligii uu guursanaayey Rasuulka (NNKH) imisa jir bay aheyd?
3-Jawab: Waxay jirtay 20 sano.
4-Su’aal Sheeg xilligii ay geeriyooneysay Juweeriya Rc imisa jir bay aheyd?
4-Jawab: waxay jirtay 65 sano.
5-Su’aal Sheeg Xafsa Bintu Cumar inta uusan Rasuulka (NNKH) guursan ninkii qabay?
5-Jawab: Wuxu ahaa Khuneys Bin Xudaafa.
6-Su’aal Sheeg xaaska kaliya ee Rasuulka (NNKH) oo maherkoodu Afrika ka dhacay?
6-Jawab: Waxa weye Ramla Bintu Abii Sufyaan Rc.
7-Su’aal Sheeg magacii kale ee loo-aqoon jiray Ramla Bintu Abii Sufyaan Rc?
7-Jawab: Waxa loo-aqoon jiray Ummu Xaliima.
8-Su’aal Sheeg Raa’isal wasaarihii hore ee dalka Malaysia Maxamed Mahatiir sanadkii uu dhashay?
8-Jawab: Wuxu dhashay 10 luulyo 1925-kii.
9-Su’aal Sheeg Maxamed Mahatir inta sano uu Raa’isal wasaare ka ahaa dalka Malaysia?
9-Jawab: Wuxu ka ahaa 22 sano.
10-Su’aal Sheeg Maxamed Mahatiir sanadkii uu Raa’isal wasaare ka noqday Malaysia?
10-Jawab: Wuxu ka noqday 16 Luulyo 1981, wuxuuse ka dagey 31 Oktober 2003.
|
|


Print
