By: Mastar //  Mar 01 2012 at 7:42 pm //  2,341 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Gabar si layaab leh iskaga soo tuurtay dabaq dheer iyo gabadhii oo geeriyootay “Layaabka Dunida”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Huiz Leong waa gabar u dhalatay dalka China kana soo jeeda magaaladda Shanghai ayaa waxaa lagu soo waramaayaa in’ay iska soo tuurtay guri ka kooban 17 biyaano kadib markii ay ka maseertay gacaliyadeeda oo la-socday gabar kale.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan Miss Huiz in ay meel cidlo ah ka maseertay kadib markii gacaliyadeeda uu la-socday gabar ay dhashay habaryartiis oo ka timid caasimadda dalka Chine ee Beijing. HUIZ LEONG ayaanan waxba hubsan taasoo u horseeday in’ay iska soo tuurto dabaq aad u dheer.

Ciidamada amaanka ee dalka China ayaa waxay sheegayaan in’ay wadi doonaan baartitaanka ku saabsan arintaan, inkastoo warqad ay qortay gabadha geeriyootay, ee aheyd in’ay iyada gacanteeda isku dishay bacdamaa ay gacaliyadeeda ku aragtay gabar kale.

Minho Zeo oo ah wiilkii ay jecleed Huiz Leong ayaa la-sheegay in uu hada ku sugan yahay xaalad adag, kadib markii ay adduunyada ku cidleysay gabadhii uu ifka ugu jeclaa.

Waalidka dhalay Minho Zeo ayaa waxay saxaafadda tacsi tiiraanyo leh u mariyiin qoyskii ay ka geeriyootay Huiz Leong.

Dhacdooyinkaan ayaa waxay caalamka ka noqdeen kuwo aanan laga fiirsan, iyadoo ay haboon tahay inta aadan qalad ka gelin naftaada ama shaqsi kale bal marka hore inaad hubsato sida ay tahay xaaladdu.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments