By: Mastar //  Feb 26 2012 at 10:20 am //  1,083 Reads  // Wararka Somalia

Xoogaga Shabaab oo iskaga baxay dhul hor leh iyo Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xoogaga Shabaab oo ay xilligaan culeys xoogan kala kulmayaan Ciidamadda Dowladaha Somaliya, Itoobiya iyo Kenya ayaa waxaay soo wajahday xaalad aad u cakiran, waxayna taasi keentay in Al Shabaab ay baneyso dhul balaaran.

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxay si toos ah ay uga baxeyn Deegaanka Halgan oo ku yaalla Gobolka Hiiraan, kadib markii ay ka war helleen inay ku soo wajahan yihiin Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka hellaaya Ciidamadda Itoobiya.

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxay baneeyeen xaruumaha ugu muhiim ee ay ka jooggeen Deegaanka Halgan, halkasoo xudun u ahaa Xarakada Al Shabaab, kadib markii laga soo saaray Magaaladda Baladweyne, ayna ku sugnaayeen Degmada Buula Burde.

Buula Burde kahor ayay Xoogaga Shabaab difaacyo kaga jireyn Deegaanka Halgan, hase yeeshee markii ay ku soo dhawaadeen Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka hellaaya Ciidamadda Itoobiya, ayay si toos ah u baneeyeen.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay aadeen dhinaca Gobolka Shabeellaha Dhexe,halkaasoo ay si weyn ugu xoogan tahay Xarakada Al Shabaab, waxaana la-fillaayaa in halkaasina lagu weerari doono.

Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan oo la-hadlay Warbaahinta Dowladda, ayaa waxay sheegeen inay ku wajahan yihiin goobaha ay iskaga baxday Xarakada Al Shabaab, iyagoo ku goodiyay inay soo afjarayaan Al Shabaab.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments